Hoggaamiyaha gobolka Catalan oo maxkamaddi xukuntay inuu dalka Dib Ugu Soo noqdo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hoggaamiyaha gobolka Catalan oo maxkamaddi xukuntay inuu dalka Dib Ugu Soo noqdo
January 28, 2018 - Written by Wariye:

_99779751_5166c0a2-9f02-44bd-9e8d-260c301a6895Hargeisa(wjn):-Maxkamadda Dastuuriga ee waddanka Spain ayaa u sheegtay hoggaamiyaha gooni-goosadka ee gobolka Catalan Carles Puigdemont, in loo dhaarin karo oo keliya xilka madaxweynaha gobolkaasi haddii uu kasoo laabto safarka baxsadka ee uu dalka uga maqan yahay.

Kaddib kulamo dhowr ah oo ka dhacay magaalada Madrid, ayaa maxkamaddu waxa ay xukuntay in Puigdemont ay qasab tahay inuu shaqsi ahaan kasoo hor muuqdo baarlamaanka Catalan, rasmi ahaana aan loo magacaabi Karin xilka madaxweyne inta uu ku sugan yahay dalka Belgium.

Hoggaamiyaha gooni-goosadka Carles Puigdemont ayaa wajahaya eedeymo ah qiyaano qaran iyo fallaaganimo uu ku abuurayo dhaqdhaqaaq madax banaan, waxaana uu wajihi doona xarig haddii uuu kusoo laabto waddanka Spain.

Carles Puigdemont, ayaana xiligaan la joogana ah musharaxa keliya ee xilka madaxtinimo ee gobalka Catalan.

Xaflada dhaarinta xilka madaxweyne ee Catalan ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta salaasada ee fooda inagu soo heyso.

 

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

Wariye:-Abdulkadir Habane

COMMENTS
LINKS