|
|||||
WAJAALE NEWS
Hoggaamiyaha gobolka Catalan oo maxkamaddi xukuntay inuu dalka Dib Ugu Soo noqdo
January 28, 2018 - Written by Wariye:
Kaddib kulamo dhowr ah oo ka dhacay magaalada Madrid, ayaa maxkamaddu waxa ay xukuntay in Puigdemont ay qasab tahay inuu shaqsi ahaan kasoo hor muuqdo baarlamaanka Catalan, rasmi ahaana aan loo magacaabi Karin xilka madaxweyne inta uu ku sugan yahay dalka Belgium. Hoggaamiyaha gooni-goosadka Carles Puigdemont ayaa wajahaya eedeymo ah qiyaano qaran iyo fallaaganimo uu ku abuurayo dhaqdhaqaaq madax banaan, waxaana uu wajihi doona xarig haddii uuu kusoo laabto waddanka Spain. Carles Puigdemont, ayaana xiligaan la joogana ah musharaxa keliya ee xilka madaxtinimo ee gobalka Catalan. Xaflada dhaarinta xilka madaxweyne ee Catalan ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta salaasada ee fooda inagu soo heyso.
Hargeisa Office Wajaalenews.net Wariye:-Abdulkadir Habane Related posts:Dufcaddii 14Aad Ee Ka Bogsaday Xannuunada Dhimirka Oo Ka Qalin-jabiyey Xirfado Lagu Baray Sahan Ment... Ciidamadda Badda Ee Talyaaniga Oo Soo Badbaadiyay 235 Mujaajiriin Oo Ay Ku Jiraan Tahriibayaal Sooma... Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Jsl Oo Shaaciyay In Ganacsatadii Uu Ka Gubtay Suuqa Waaheen Ay Dhisan ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|