“Hantidayadii Waxaa MulKiyado Sharci Daro ah Sifo Been Abuura Dad Kale Ugu Sameeyay Maayar Soltelco” Naasir Cabdilaahi Nuur, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Hantidayadii Waxaa MulKiyado Sharci Daro ah Sifo Been Abuura Dad Kale Ugu Sameeyay Maayar Soltelco” Naasir Cabdilaahi Nuur,
January 15, 2018 - Written by Editor:

HALKAN KA EEG YAABKA DHACDADAN; Muwaadin U dhashay Dalka Jabuuti  Ayaa  Mar kale Soo Bandhigay Cadaymaha la xidhiidha  Sida waxba looga Qaban waayay Cadaaladdarooyin  Lagu Dhaxal Wareejinayay  Hanti  Ma Guurta Ah  Oo ay Ku Leeyihiin Magaalada Hargaysa Iyo,Xubnaha uu ku eedeeyay in ay fuliyeen Qorshahan ‘

HARGAYSA(W,N) Muwaadin u dhashay dalka jabuuti Isla markaana mudooyinkii u danbeeyay warbaahinta u soo badhigayay Dumentiyo La Xidhiidha Cabshadiisa Iyo sidoo kale Mulkiyadaha Been abuurka ah ee  loo samaytay Hanti ma guurto ah Oo ay ku leeyihiin Badhtamaha Caasimada Hargaysa ayaa Maayarka caasimada Hargaysa ku eedeeyay in uu dad aan meelna kasoo galin lahaanshaha hantidooda uu u sameeyay mulkiyado been abuura kuwaasi oo ay dhaqaale kaga qataan baananka dalka iyaga oo lacago amaaha kaga qaatay,

Muwaadin Naasir Cabdilaahi Nuur oo Isagu Ku Hadlaya Afka qoyskooda ayaa Soo bandhigay  Waraaqo Cabasho ah oo ay ka Gudbiyeen  Talaabooyinka Sharciga Baalmarsan ee uu Kula Kacay Maayarka Caasimadu taasi oo ay ku socod siyeen cidkasta oo ay khusayso  dacwadoodu iyo laamaha ku shaqada lehba .

 sidoo kale Muwaadinkan u dhashay Dalka jabuuti ayaa soo bandhigay Mulkiyadaha Been Abuurka ah ee loo Samaystay hantidooda oo uu ku saxeexan yahay maayar soltelco,

KA BOCO MULIYADAHA ;

Ardiyad2 ardiyad been ah 2

 

Wuxuna yidhi isagoo Arimaasi ka Hadlaya “Waxaan Bulshada reer Somaliland iyo xukuumada cusub ee uu hogaaminyao madaxwayne Muuse Biixi u sheegaynaa cadaaladdarooyin ka tagaan dawlada hoose ee Hargaysa iyo garsoorka Somaliland iyo talaabadaa aan meelna ka soo galin ee ay hantidayada cidkale ugu sameeyeen mulkiyado in ay tahay mid dhaawacaysa haybada dawlada Somaliland iyo dadaalka laga filayo in uu madaxwayne Muuse Biixi ugu jiro sidii uu sharciga dalka u sixi lahaa.

HALKAN KA EEG WARQADA DHAXAL KOOBKA AH ;warqado yaaban 2

 

Ugu danbayntii muwaadinkan dhibanaha ah wuxu ka codsaday madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland Muuse Biixi  in uu Arinkiisa wax ka qabto Waxaanu hadalkiisa ka mid ahaa “Waxaan Mdaxwaynaha ka codsanayaa Inuu waxka qabto Arimaha Sharciga Baalmaran Ee uu maayarka Caasimadu nagula kacay  Waxanan halkan kusoo Gudbinayaa Cadaymaha  Dhamaan Dhibtan Aan Katirsanayno  Maayarka iyo Bahda Garsoorka Anagoo Tacadiyadaa iyo boobkaa hantiyadii lagu dhaxal wareejinayo  aanu mudo sugaynay  cid wax ka qabata iyo in aanu mar uun helno cadaalad,

FIIRO GAARA;

cida loo sameeyay Mulkiyada

DHANKEE 2

HALKANKA EEG DOCUMENTIYADA LAXIDHIIDHA QORAALKA MUWAADIN NAASIR IYO SIDOO KALE WARQADII AY QOREEN,

warqada Dacwada 1

WAJAALENEWS  DESK

 

COMMENTS
LINKS