|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudomiyaha Guurtida Oo Daandasi Ku Tilmaamay In Wasiiro Ka Tirsan Soomaaliya iyagoo Ciidan Wata Ay Yimadaan Deegano Ka Tirsan Somaliland
January 10, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N):- Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxaa ay saaka iskugu yimadeen fadhi deg deg ah isla markaana aan caadi aheyn , kaas oo yimid xili goluhu uu fasax ku jiro Xildhibaanada iyo shir gudoonka golahaasi ayaa waxaa ay fadhigoodan aan caadiga aheyn kaga hadleen arimaha ka soo kordhay gobalada bariga Somaliland , waxaana gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland uu xildhibaanada u sheegay in weerar lagu soo qaadey Somaliland oo dawlada Somaliland ay xaalad dagaal ka abuurtey deeganada Bariga . Sidoo kale gudoomiyaha ayaa daandaasi ku tilmaamay in wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliya in ay iyaga oo ciidan wata ay yimadaan deegano ka tirsan Somaliland.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|