Fashilka Wasiirka Maaliyada Jsl Ee Kordhinta Cashuurta Iyo Qaadkii Oo Kootarabaan Kusoo Galay Dalka +Xogo Khuseeya Garoonka Laascaanod Iyo Qaadka Miirooga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fashilka Wasiirka Maaliyada Jsl Ee Kordhinta Cashuurta Iyo Qaadkii Oo Kootarabaan Kusoo Galay Dalka +Xogo Khuseeya Garoonka Laascaanod Iyo Qaadka Miirooga.
January 25, 2018 - Written by Editor:

GABILEY(W,N) Wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa  Maalintii Shalay Ahayd Waxay  Ganacsatada Qaadka ka Keena Dalka itoobiya kusoo rogeen cashuur kordhintii Ugu Badnayd Ee Mudo 26 sano ay wasaarada Maaliyadu Ku Kordhiso taasi oo Ah  in 50% kor loogu qaaday Cashuurta Qaadka.

Talaabadan ay Uu Wasiirka Maaliyadu ku kor Dhiyay Tacriifada Cashuurta Qaad ayaa  keentay in Khilaaf Culus ka Dhex Istaadhmo Wasaarada Maaliyada iyo Shirakadaha Qaadka keena dalka Somaliland Iyadoo sobobtay in jaadkii ugu badnaa ilaa shalay iyo maantaba   kootaro baan kusoo galo gudaha Somaliland iyagoo  ka leexday kastamkii ay soo mari jireen ee kalabaydh  halka  taasi oo keentay xuduuudaha bari ee somaliland uga soo gudbayaa gudaha dalka

fashilka wasiirka maaliyada

Sidoo kale Amarkan cashuurta lagu kordhinayo Ee kasoo baxay Wasaarada Maaliyada ayaa waxaa iyana ku Gacan Saydhay Shirkadaha Qaadka Miirooga ka Keena Dalka Kenya, Halka ay Jawaab uga Dhigeen in ay Si Toos ah Qaadkii Miirooga ee kasoo dagijiray  madaarka Caasimada Hargaysa ay kasoo Dejiyeen Garoonka Magaalada Laascanood  Taasi oo ay wasaarada maaliyadu ku fashilantay in ay joojiso amaba Ay ka qaado cashuurtii ay ku kordhiyeen.

Shirkadaha Qaadka Keena Ee Diiday in ay Bixiyaan Cashuurta Lagu kordhiyay ayaa Waxaa Hormuud ka ah shirkada Ina Afdiile Ee 571,  Soofe iyo  Caraale halka   dhamaan shirkadahan diiday awaamiirta Wasiirka Wasaarada Maaliyada  ayaa waxay dhamaan isku beel yihiin Wasiirkan Maaliyada Ee isagu soo saaray tacriigadan lagu kordhiyay cashuurta Jaadka,  Arinta ay Ganacsatada Beesha Wasiirka Maaliyadu ay ku diideen Bixinta cashuurta lagu kordhiyay ayaa waxay banaanka keentay   tamar darada siyaasadeed ee wasiirka iyo in aanu  xidhiidhka la wadaagin isla beeshiisa taasi oo dadka arimahan sida dhow ula socdaan ay tilmaameen in wasiirka maaliyadu aaminsan yahay in lagu magacaabay aqoon balse aanu ku imanin qabiil.

Wasiirka wasaarada maaliyada  ayaa mudadii uu xilkan wasaarada hayay  oo ah mudo aan ka badnay 40 maalmood  ayaa waxay bulshada reer somaliand durba saluugeen dhowr talaabo oo uu qaaday taasi oo ay ugu horaysay  In  isagoon xilkaba loo dhaari uu isku shaadhayn ku sameeyey waaxaha Wasaarada iyo kastamada qaar taasi oo daboolka ka qaaday  fudaydka masuulka iyo dabcan  shaxda uu wax iskugu badalay oo bulshada u iftiimisay in uu cid gaara bartimaameedsanayay halka uu magacaabistiin  ugu horaysay  xilal uu ku taxay xubno beeshiisa ah.

Sidoo kale Talaabadii Labaad ee uu Qaado Wasiirka Maaliyada ayaa Noqonaysa tan uu ku kordhiyay cashuurta laga qaado Qaadka oo iyana horseeday in ay ganacsatada keena badi jaadku ay u hogaansami waayeen waamiirtan kasoo baxay wasaarada maaliyada oo ahayd mid aanay xataa wax wadahadala kala sii galin ganacsatada qaadka ka hor intii aanay qaadanin go,aankan halka masuuliyiintii hore ee soo maray wasaarada maaliyada inta aanay talaabo qaadin   ay ganacsatada qaada  ku qancin jireen waxkasta oo ay ka qaadayaan dhincooda

Sikastaba ha ahaatee talaabooyinka uu qaaday wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa banaanka keentay  waayo aragnimo la,aanta shaqo ee wasiir yuusuf iyo sidoo kale fudaydka maamul  halka ay shaqaalaha wasaraada maaliyada ay xiligan ka dhex  abuurmeen kooxo uu si gaara usoo dhawaystay oo xataa qaarkood  gacanta ku hayaan shaqadii iskuduwayaasha wasaarada iyo  xubno kale oo waaxaha wasaarada kamida shaqadoodii.

 WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS