Doon Ay La Socdeen Muhaajiriin Soomaali Ah Oo Ku Degtay Xeebaha Yaman | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doon Ay La Socdeen Muhaajiriin Soomaali Ah Oo Ku Degtay Xeebaha Yaman
January 26, 2018 - Written by Reporter:

Sanca (W,N)- Ugu yaraan 30 muhaajiriin Afrikan ah ayaa ku qaraqmay xeebaha dalka Yaman todobaadkan.

Doontani ayaa la sheegay in ay buux dhaaftay islamarkana ay wadeen kuwa wax tahriibiya .

 

_99759950_18d7e3d2-50c4-44f4-a4ce-a813b89bc847

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadkii ka badbaaday doonta ay u sheegeen in mukhalasiinta ay rasaas ku fureen rakaabka markii ay doonta dagaysay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tira ka badan 150 isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ay doonta saarnaayeen.

Doonta ayaa la sheegay in ay ka soo safraysay dalka Yaman ayna ku sii jeeda Jamhuuriyada Jabuuti.

Hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 90,000 oo qaxooti ah ay galaan safarkan ay uga soo talaabayaan geeska afrika iyaga ku sii jeeda Yaman.

Iyada oo dalka Yaman ay xilligan dagaalo ka jiraan ayaa hadana muhaajiriinta waxa ay qabaan rajo ah in ay shaqooyiin ka helaan dalalka gacanka.

 

COMMENTS
LINKS