Dab Xoogan Oo Qabsaday Cisbitaal Ku Yaala Dalka Koonfur Kuuriya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dab Xoogan Oo Qabsaday Cisbitaal Ku Yaala Dalka Koonfur Kuuriya
January 26, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N) – Dabkan ayaa ka kacay Cisbitaalkan oo ah mid inta badan lagu daryeelo dadka da’da ah, waxaana loo maleynayaa in uu dabku ka bilowday qolka la dhigo dadka ku jira xaaladaha degdega ah.

2018126636525258061830842kouurr

Ku dhawaad 70 qof ayaa sidoo kale dabkaan ku dhaawacmay, 11 ka mid ah ayaana xaaladoodu halis tahay, waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashada ay intaasi ka badato.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qiyaastii 200 oo qof oo bukaan ah ay ku sugnaayeen gudaha dhismaha iyo xarunta ku dhaw ee kalkaaliyayaasha, dad badan ayaa laga soo daadgureeyay halkaasi.

Madaxa dabka Kuuriyada Koonfureed Choi Man-woo ayaa u sheegay werriyayaasha in waxa sababay dabkan aanan la ogeyn illaa iyo haatan.

Mr Choi waxa uu intaasi ku daray in dadbku ka kacay labada dhisme qiyaastii toddobadii iyo badhkii xiliga Kuuriyada Koonfureed, oo ku beeganeyd saq dhexe xalay.

Sawirada laga soo qaaday Cisbtiaalka ayaa muujiyay in dhismaha uu qariyay qiiqa dabka oo xoogganaa uuna aad u gubtay, balse bukaanada laga soo badbaadiyay.

Sida laga soo xigtay afhayeenka madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Cheong Wa Dae, madaxweyne Moon Jae-in ayaa haatan qabanaya kulan degdeg ah oo looga hadlayo sida loola tacaali karo dabkan.

Cisbitaalkaan uu dabku qabsaday ayaa shaqeynayay tan iyo 2008, dhismaha kalkaaliyayaasha iyo Cisbitaalka ayaana leh ku dhawaad 200 oo sariir.

Illaa 35 shaqaale caafimaad ah ayaana ka howlgala Cisbitaalka, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka uu ku yaallo Cisbitaalka ee koonfurta Gyeongsang.

Dabka ka kacay Cisbitaalka ayaa imaanaya kaddib bil uun markii 29 qof oo ku sugnaa magaalada koonfureed ee Jecheon ay ku dhinteen dab ka kacay goob jiimka lagu ciyaaro.

 

COMMENTS
LINKS