DAAWO; Shirkadda Daabacadda Casriga ah Ee SAGAL JET Oo Abaal-marino Guddoonsiisay Shaqaalaheeda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Shirkadda Daabacadda Casriga ah Ee SAGAL JET Oo Abaal-marino Guddoonsiisay Shaqaalaheeda.
January 6, 2018 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Shirkadda daabacaadda casriga ah ee SAGAL JET, ayaa abaalmarinno muhiim ah guddoonsiisay qaar kamid ah shaqaalaheedii ugu hawlkarsanaa sanadkii dhammaaday ee 2017-kii, kuwaas oo ka hawgala gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka Somaliland ee ay shirkaddu xarumaha ku leedahay.

sagal jet 3

Munaasibad si weyn loosoo agaasimay oo shaqaalahan shirkadda SAGALJET abaalmarinno sanadle ah lagu guddoonsiinayey oo lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa xalay, ayaa waxa ka qaybgalay siyaasiyiin, wasiirro, xildhibaanno, maamulka guud ee  shirkadda SAGALJET, qaar kamid ah saamileyda shirkadda, shaqaalaha kala duwan ee shirkadda SAGALJET iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas si mug iyo miisaan leh loogu faaqiday horumarka ay shirkadda SAGALJET  ku tallaabsatay muddadii ay jirtey iyo habka xirfadda iyo aqoontu ku dheehan tahay ee shaqaalaha shirkaddu u qaabilaan macaamiisha kala duwan ee ay u adeegaan.

madax suuqaynta sagal jet

Munaasibadda abaal-marimaha kala duwan lagu guddoonsiinayey shaqaalihii kartida iyo dedaalka dheeriga ah muujiyey sanadkii dhammaaday ee 2017-kii waxa goob-joog ku ahaa, isla markaana abaall-marinada qaybtooda ka qaatay shaqaalaha iyo hawl-wadeennada kala duwan ee ka shaqo gala xarumaha ay shirkaddu ku leedahay magaalooyinka Wajaale, Burco, Berbera, Laascaanood,Hargeysa iyo caasimadda dalka aynu jaarka nahay ee Djibouti oo ay shirkaddu xarun ballaadhan ku leedahay.

sagal jef qaybta wajaale

sagal jet 2

Madaxa  xidhiidhka dadweynaha iyo suuq-geynta shirkadda SAGALJET, Md. Sacad Cabdi Daahir oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahiyey marxaladihii kala duwanaa  ee ay shirkadda SAGALJET soo martay iyo sida ay xilka iskaga saartay, muhiimadda gaarka ahna u siisay horumarinta iyo dhiirrigelinta shaqaalaha shirkadda, kuwaas oo udub-dhexaad u ah guusha ay shirkaddu waqtigan ku naaloonayso.

sagal jet 4

Xubnihii kale ee munaasibadda ka hadlay, ayaa waxa kamid ahaa Md. Cabdiraxmaan Cali Xirsi oo isagu ah la-taliyaha arrimaha horumarinta shirkadda SAGALJET iyo xildhibaan Cabdirashiid  Maxamed Xaaji Yuusuf oo kamid ah saamileyda shirkadda SAGALJET, waxana ay dhinacooda ku dheeraadeen sida ay shirkaddu iskaga xil-saarto daryeelka iyo dhiirrigelinta shaqaalaha gacanta ku haya hawlaha kala duwan ee ay shirkaddu bulshada u hayso, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay shaqaaluhu yihiin laf-dhabarta hagaysa horumarka shirkadda.

wajale cabdi yusuf 1

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey horumarka ay shirkadda SAGALJET ku tallaabsatay, waxana uu tallaabada abaalmarinnada lagu guddoonsiinayo shaqaalaha kala duwan ee hufnaanta muujiyey ku tilmaamay mid ku dayasho mudan, kana mid ah siraha horseeda inuu ganacsigu ku horumaro.

Sagal jet 1

Maamulaha guud ee shirkadda SAGALJET, kana mid ah saamileyda shirkadda Md. Cabdi Yuusuf Aar oo munaasibadda hadallo kooban oo dhiirrigelin iyo hogo-tusaalayn isugu jira ka jeediyey, ayaa sharraxay wadiiqooyinkii loo maray guusha ay shirkaddu gaadhay oo ay ugu mudan tahay daacadnimo ay muujiyeen shaqaalaha shirkaddu, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Sanad kasta bilowgiisa muddo shan sano ku siman waxa aynu qabanaynay xaflad uu shaqaale-weynaha shirkaddu isugu yimaaddo, horumarka shirkaddani gaadhayna dhayal kumuu imane shaqo adag, karti, hufnaan iyo daacadnimo, ayuu ku yimi, aniguna waxan idinku dhiirrigelinayaa inaad daacadnimada ilaalisaan oo aad waqtiga iyo shaqada daacad u noqoto oo aad hantida shirkadda iyo sirteedaba ilaaliso.”

wajale cabdi yusuf 3 wajale cabdi yusuf 2

Ugu dambayntii waxa halkaas abaal-marinno lagu guddoonsiiyey  siddeed kamid ah shaqaalaha shirkadda SAGALJET oo hawlkarnimo, dedaal iyo hufnaanba muujiyey sanadkii dhammaaday ee 2017-kii, isla markaana ay macaamiisha iyo maamulka shirkaduba ka marag kaceen shaqo-wanaagooda.

Abaal-marinta ay shirkadda SAGALJET guddoonsiisay shaqaalaheeda dedaalka dheeriga ah sameeyey sanadkii lasoo dhaafay, ayaa  ah mid ay shirkaddu sanadkiiba hal mar guddoonsiiso shaqaalaheeda hufnaanta iyo shaqo-wanaagga muujiya, taas oo looga gol leeyahay in lagu dhiirrigeliyo shaqaalaha kala duwan shirkadda, isla markaana loogu abaal celiyo kuwooda dedaalka gaarka ah sameeyey.

COMMENTS
LINKS