|
|||||
WAJAALE NEWS
Britain Oo Ruushka Ku Eedeeysay In Uu Dhaawacayo Kaabayaasha Dhaqaalaha UK
January 26, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa(W,N)-Ruushka ayaa sababi kara geerida “Kumannaan iyo kumannaan qof ” iyaga oo curyaaminaya kaabayaasha dhaqalaha UK, waxaa sidaasi ka digay xoghayaha gaashaandhiga Britain. Gavin Williamson ayaa u sheegay wargayska Daily Telegraph in xukuumadda Moscow ay basaasayso kaydka tamarta oo haddii la jaro dalka ka dhalinkarta”Jahwareer guud “. Waxa uu sheegay in waxa uu ka hadlayo ay tahay “Khatar dhab ah oo jirta” oo ay UK wajahayso. Madaxa ciidamada Britain Sir Nick Carter, ayaa dhankiisa ka digay in UK ay la daalaa dhacayso xakamaynta awoodaha Ruushka. UK waxa ay biyaha hoostooda ku leedahay afar xadhig oo ah korantada qaarada iyo afar kale oo wadanka u soo jiida quwadda tamarta. Mr Williamson, oo xilka xoghayaha gaashaandhiga Britain la wareegay bishii November, ayaa sheegay in Ruushka ay raadinayeen xadhkahaasi oo kale ayna doonayaan in ay tillaabo qaadaan “waxa uuna dal waliba u arkaa taasi mid aan la aqbali Karin “. ayuu yidhi “Waxa ay ka fikirayaan, ‘sidee ayaan xanuun badan ugu gaysan karnaa Britain? ayuu intaa ku daray Mr Williamson.
Related posts:Gudoomiyaha Wadani Oo Galabta Shacabka Degmada Maxamuud Haybe Kala Qaxweeyay Goobaha Ay Iskugu Yimad... Mujaahid Siciid Indhool oo Ku Amaanay Xukuumada Somaliland Sida Quruxda Badan Usoo Afjartay Shaqaad... DAAWO;-Sheekh Aadansiiro Oo Shacabka Reer Hargaysa Ugu Baaqay In Ay Dad Wanaagsan Doortaan, fursadan... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|