“Xukuumada Uu Soo Dhisay Madaxweyne Muuse biixi Cabdi Xal-maah Ee Waa Xul” Cabadiraxmaan Jibriil Cabsiiye, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xukuumada Uu Soo Dhisay Madaxweyne Muuse biixi Cabdi Xal-maah Ee Waa Xul” Cabadiraxmaan Jibriil Cabsiiye,
December 15, 2017 - Written by Editor:

Agaasimihii hore ee Cashuuraha Bariga Somaliland Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye ayaa, ka hadalay sida uu u arako xukuumada Cusub Ee Uu Soo Dhisay Madaxweyne

“ Marka hore waxaan hambalyo u dirayaa madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi waxaan ku bogaadinayaa Xukuumada uu soo dhisay oo aan odhan karo Xal-maaha Ee Waa Xul marlabaad waxaan madaxweynaha ku bogaadinayaa Wasiirka Cusub Ee Uu U Soo Magacaabay Wasaarada Maaliyada.Yuusuf Maxamed Cabdi oo aan leeyahay waa wasiirkii ku haboonaa xilkaasi .

Waa nin dhaliin yaro ah oo ka soo Shaqeeyey Wasaarada Maaliyada Xilal kale duwan ka soo qabtay wasaarada ,waa nin aqoon u leh Shaqaalaha waa nin ka bixi kara hawsha Maaliyada ,Waa nin Aamin ah oo daacad ah waxaan leeyahay Waa Qof waangasan oo loodoortay meel Wanaagsan waa nin Firfircoon oo hawul kar ah waxii qaloocdayn waa uu toosin karaa waxuu wasaarada ku soo kordhin karaa Cadaalada iyo sinaan ,waxaana Nin Garanaaya Shaqaalaha Wasaaradu siday ugu kale Firfir Coon yihiin Dakhli Kordhinta

Waxaa ilaahay uga baryayaa inuu Xilka u Fududeeyo

Dhanka kale waxaa isagu hambliyo iyo bogaadin iyo ducaba u diray Wasiirka Cusub Maamulihii Hore Ee Kastamka Kale baydh Axmed Gaax Nuug Cali waxaanu hadalkiisa ku Bilaabay

“Marka Hore Waxaan hambalyeynayaa Madaxweynaha Md Muuse Biixi Oo Aan isleeyahay Waa ka dhabeeyey balan qaad kii ahaa dawlad kuuban oo tayo leh waanu ku guulaystay waxaan odhan karaa Madaxweynuhu Waxuu Maaliyada u magaacabay qof kii ugu Haboonaa uguna Wanaag sanaa Markaad u eegto tobankii Sano Ee ugu Dambeeyey wasiirad soo maray waxaa la keeni jiray dad aan aqoon u lahay markaa maanta waa uu asiibay waxaanan leeyahay Anigoo ku hadlaaya Afka shaqaalaha Wasaarada Maaliyada waxaanu kuu soo dhaweynaynaa Si Kaliyo Laab ah oo aan u kuula Shaqaynaynaa

Ilaahayn xilkaasi hakuu Fududeeyo aamin aamin

 

 

COMMENTS
LINKS