War Deg Deg ah; Maamulaha kastamka Wajaale Oo Isagoon Xilka Hayn Mudo 24 Saac Ah Durba Xabsiga Utaxaabay Qaarka Mid ah Shaqaalaha Wasaarada Iyo Dareenada Ku Xeeran!, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg ah; Maamulaha kastamka Wajaale Oo Isagoon Xilka Hayn Mudo 24 Saac Ah Durba Xabsiga Utaxaabay Qaarka Mid ah Shaqaalaha Wasaarada Iyo Dareenada Ku Xeeran!,
December 31, 2017 - Written by Editor:

Tog Wajaale(W,N) Maamulaha Kastamka  Magaalada Tog Wajaale ee wasaarada maaliyada OO  Dhawaan xilka  loo soo magacaabay ayaa durba xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah Saraakiisha iyo shaqaalaha wasaarada Maaliyad ee ka hawl gala kastamka  Magaalo Ganacsiyeedka Tog- Wajaale.

  Maamulaha Cusub ee kastamka Wajaale Mudane Cabdilaahi Xasan Cige oo shalay la wareegay xilka ayaa wuxu abaaro galinkii danbe ee maanta xabsiga u taxaabay laba ka mida shaqaalaha kastamka halka qaar kalana uu maagan yahay  in uu saacadaha soo socda xabsiga u taxaabo.

u_113244d_2013-10-13-11-25-54f_breaking_news_1_

Maamule  Cabdilaahi oo  mudadii uu xilka la wareegay ay ka soo wareegtay 24saacadood oo kaliya ayaan la garanayn sobobta keentay durba in uu xidh xidho shaqaalaha wasaarada maaliyada u jooga kastamka Wajaale.

 Xadhiga Saraakiishan iyo shaqaalaha kastamka Wajaale oo aanu maamulaha wax ka waydiinay Xadhigooda ayuu Noo Xaqiijiyay in ay jirto islamarkaana kiiskooda ay ku socoto baadhis.

Isagoo ka hadlaya wuxu yidhi; shaqaalaha xidhan kiiskooga waa la baadhayaa waananu idin la  socodsiindoonaa  waxa ay ku xidhan yihiin, Ayuu hadalkiisa kusoo Gaabsaday Maamule Cabdilaahi, oo Shabakada Wararka ee Wajaalenews.net La Xidhiidhay,

Masuulkan xilka maamulaha Kastamka Wajaale Dhawaan loo magacaabay ayaa  hore uga tirsanaa Shaqaalaha kastamka Wajaale  ka hawgala.

Talaabadan uu durba ku kacay Maamulaha Cusub ayaa magaalada Tog wajaale hadalhayteedu noqotay mid bulshada ku abuurtay dareenno kala duwan oo laga cabsi qabo in ay abuurto kacdoono lagaga soo horjeedo Maamulka cusub.

Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka wasaarada maaliyada Uu ku sameeyay isku isku shaandhayn maamulayaasha kastamada ah iyo qaar ka mida agaasimo waxeedyada wasaarada taasi oo abuurtay dareeno kala duwan isamarkaana Umuuqatay mid deg deg iyo aqoon la,aan maamul ay ka muuqato,

Wixii kasoo kordha Xadhiga Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada Ee kastamka Wajaale  kala soco Shabakada Wajaalenews

 

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.OCM

COMMENTS
LINKS