|
|||||
WAJAALE NEWS
War- Deg Deg ah; DAAWO; Qaybo ka mida Magaalo Ganacsiyeedka Tog-Wajaale Oo Dab Xoogani Qabsaday Iyo Hanti Badan Oo Ku Shuf Beeshay+ khasaaraha.
December 26, 2017 - Written by Editor:TOG- WAJAALE(W,N) Qaybo kamida Magaalo Ganacsiyeedka Tog-wajaale ee xuduuda Somaliland iyo dalka Etoobiya isla markaana ay taalo hanti malaayiin dollar ahi ayaa waxaa xalay Niskii danbe abaaro 3;30 habeenimo dabkan ayaa qabsaday qaybo ka mida Meherado Ganacsiyeed ku yaala magaalada Tog- wajaale kuwaasi oo sobobay khaasare laxaadle halka uu wali dabkani ka holcayo qaybo ka mida suuqa bacadlaha . Ciidamada kala duwan ee Dabdamiska ,booliska ,Ciidamada Qaranka iyo Dadwaynaha ku dhaqan maagalada Wajaale ayaa gurmad xoogan ugu jira sidii loo bakhtiin laha dabkan Dhanka kale muwaadiniintan iyagu lahaa bakhaaradan ayaa isu dayay sidii wax looga badbaadin lahaa hantida meesha ku shuf beeshay halka qaar ay iskudayayeen in ay nafahooda uun kala baxsadaan, Majiro khasaare nafeed oo wali lahayaa, marka laga reebo dadka qaar oo dhaawacyo fududi soo gaadheen Dabka ayaa noqonaya dabkii ugu waynaa ee kakaca magaalo ganacsiyeedka Tog- wajaale mudo 30 sano ka badan inta la ogyahay. Maamulka magaalada Wajaale ayaan iyagu gabi ahaanba ka dhex muuqan guramad lagula tacaalayo sidii loo damin lahaa dabka ka kacay meheradaha ganacsi ee Wajaale gaar ahaan qaybta xigta dhinaca toga. Magaalada Tog-wajaale ayaa ah suuqa ganacsi ee ugu wayn Somaliland taasi oo kulmisa guud ahaan ganacsatada dalka. Magaalada Tog- wajaale ayaa ka tirsan gobolka Gabiley. Wixii kasoo kordha kala soco shabakada wajaalenews.net
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM WARIYE A,A, HABANE
Related posts:Siyaasi Axmed Cabdi XAABSADE Oo Garoowe U Goostay iyo saamaynta uu ku yeelan doono gobolka sool Daawo:Faysal Cali Waraabe Oo Wasiirada Somaliland Ku Eedeeyay Kuwo U Shaqeeya Oo Kaliya Muuse Biixi ... Madaxwaynaha Jsl Oo Hambalyo Udiray Dalwaynaha Maraykanka Sanad Guuradii 244Aad Ee Maalintii Ay Qorn... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|