Wadaad Mushakal ah, W/Q: Cali Cabdi Coomay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wadaad Mushakal ah, W/Q: Cali Cabdi Coomay
December 28, 2017 - Written by Reporter:

Nin wadaad ah oo masaajid masuul ka ah oo ninka masaajidka ka eedaama ay $100 bishii u soo diri jireen dad dhismaha masaajidka iyo dhulkaba bixiyey

coomay2(8)nnnnnnnnnnnn

Dabeecad iyo dad la dhaqan wanaagsan ayuu bulshada kula dhex joogaa, wuxuu aad u jecel yahay in loogu yeedho derejada’SHEEKH’, laakiin astaamihii sheekhnimo kama muuqdaan. Gadhka wuxuu ula baxaa qaabka gadh sucuudiga, oo dhinacyada ayuu ka xiraa. Surwaalka wuu iska sii daayaa, kaftanka dambiga ah iyo qosol aan loo baahnayn ayuu hadh iyo habeen ku dhex jiraa. Dadka maangaabka ah wuxuu siiyaa lacag si ay dadka dhexdiisa ugu yeedhaan ‘SHEEKH’ oo ay u dhaqangasho sheekhnimadiisu. Afkiisu hadalka reer Xamarka wuu ka macaan yahay, hasayeeshee wuu xanaaq dhaw yahay oo farta ayaa gaadha. Sheekadiisu waxa ay u badan tahay wadaad wax kharibay, waxa aan ka xusuustaa dhawr sheeko oo uu wakhtiyo kala duwan  nagu hurgufay.

= Nin wadaad ah oo masaajid masuul ka ah oo ninka masaajidka ka eedaama ay $100 bishii u soo diri jireen dad dhismaha masaajidka iyo dhulkaba bixiyey, ayuu ninkii masaajidka ka masuulka ahaa ka cuni jiray $50, waxaanu siin jiray $50. Sow taasi xaaraan maaha, ayuu su’aal dib noogu soo celin jiray. Haddana wuxuu ku xigsiiyey tu kale.

= Nin madarasad maamule ka ahaa ayaa macalimiintiisii ku yidhi “ bishan mushaharkiinii xafladii madarasada ayaa lagu qabanayaa ee iska samra.

= Nin wadaad ah oo masaajid khudbad jimce ka jeedinaayey ayaa wax-bixinta iyo sadaqada ku dheeraaday, dabadeed xaaskiisii oo masaajidka ku tukanaysay ayaa is-kala garan weyday, markaasay dahabkeedii sadaqado u bixisay. Markii ay gurigii isugu tageen ayey ku tidhi” sheekh maanta khudbad qiimo badan ayaad jeedisay oo sadaqada iyo wax-bixinta ka hadlaysa, markaasaan is-kala garan waayey, oo aan dahabkaygii oo dhan sadaqo ula baxay”. Markaasuu ku yidhi” isku maynaan ogeyn in aad dahabkaaga bixiso, balse dadka in aynu ka gurno ayeynu isku ogeyn”.

Markuu halkaasi sheekada marinaayo ayuu nin si fiican u yaqaanaa ku yidhi” waar sheekadaadu miyaanay wadaad dhaafinba”. Ma nin waxaasi marayaanbaa. Haddana wuxuu yidhi.

= Waar miyeydaan arag madarasdahan wadaadadda ee dhulkii sadaqo loo bixiyey, dhismihiina sadaqo ahaan loogu dhisay, ee haddana wadaadu iska yeelanayaan?. Ninka loo dhiibaa madarasadii ayaa mulkiile ka noqonaya oo macaash ayuu ka samaynayaa, macalimiintii ayuu mushahar yar ka siinayaa. Hadda ogow dhulka muu iibsan, dhismahana muu dhisan, haddana waa mulkiile. Miyaanay xaaraan ahayn?. Dee mooye, culimada soo weydii ayaanu ugu af-celinay.

= Shaydaan ayaa suuqa u iib geeyey, been, xan iyo xasad. Markaasuu yidhi” Xantii dumar ayaa iga iibsaday, beentii ganacsato ayaa iga iibsatay, xasadkiina wadaaddo ayaa  iga iibsaday.

Haddana dhinaca kale ayuu noola baxay markaasuu yidhi” heesaha qaraamigu dembi weyni kuma jiro waa karaahiyo, oo midhuhu haddii aanay shay xaaraan ah ka hadlayn, waa wax wanaagsan oo dhibi kuma jiro. Maxaad daliil u haysaa ayuu kula soo booday nin dhallinyaro ah oo u muuqday arday wakhtigan diinta barta, balse dhag jalaq umuu siin. Hadaba siday isu qaban sheekh iigu yeedha iyo heesaha aan dhegaysto. Bal adba. Masaajidka wuu kaaga hadhayaa oo duco iyo qur’aan akhriskiisu wuu badan yahay, dhinaca kalena dambigiisu wuu badan yahay. Malaha khayrkiisa iyo sharkiisu way is-goosan. Mooyi, Ilaahay ayaa kala xisaabtami.

Tilifoon ayaa ku soo dhacaya, hadda isaga oo nala fadhiya oo sheeko shaaha nala haya, ayuu odhanayaa” shir ayaan ku jiraa”. Waar shirkeed ku jirtaa dadka beenta ka daa, ayuu si cad oo aan gabbasho lahayn ugu yidhi mid ka mid ah asaxaabta makhaayadu. Waar ninku hadal cadaa. Hadallada wanaagsan ee sadaqada ahi carrabkiisa ayey mar kasta saaran yihiin, sida: maansha allah, al-xamdul lilaah, shukran, xayaa ka llaah, IWM. Wakhtiyada ay saaxiibadii kala maqan yihiin ee uu keligii makhaayada soo fadhiisto, wuxuu jeebkiisa sare kala soo baxaa kitaabka ducooyinka, waanu akhristaa, hasayeeshee marka la isu yimaado wuu laabaa, oo dacaayada iyo kaftanka goobta ayuu dhiniisa ka galaa. Markii dambe ayuu nin goobta fadhiyey ku xanaaqay markaasu yidhi waar kani sheekhna maaha ee makhaayada ha laga mamnuuco. Intii qoslay ayuu yidhi”

=  Nin ayaa Qur’aanka ka yaqaanay QULHUWALAHA, ninkani wuxuu sheekh u sheegtay reero uu la joogay, markii uu salaad kasta Qulhuwalaha ku tukiyey, ayey beeshii uu la joogay shirtay markaasay ku yidhaaheen” waar Qur’aanka Qulhuwalaha ayaad ka taqaan, markaa culimana ma tihid, ee sheekh kale ayaanu u baahanahay. Markaasuu ninkii ugu jawaabay” Ilmaadeerayaal qulhuwalahana Qur’aanka ha ka saarina, aniga culimada ha iga saarina”. Waar markaa sheekhinada ha iga saarina. Sheekh mushakal ah iga dheh.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan 

Calicoomay@hotmail.com

 

COMMENTS
LINKS