Waayaha Ka Taagan Somaliland Iyo Madaxweynaha La Doortay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waayaha Ka Taagan Somaliland Iyo Madaxweynaha La Doortay
December 7, 2017 - Written by Reporter:

Qormada.1aad

 

Maqaal

[ Inkastoo Nin Geesiyi Raggu Geed Adayg Yahay Haddaan Garrabka Lala Qaban Gurri Oodi Maayee!!]

Marka hore waxaan hambalyo u dirayaa madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi.

Tan iyo intii doorashadu dhacday waxaa dhegaha bulshadda ku batay “ madaxweynuhu wax ha qato” haddaba waxaan maanta qalinka u qaatay in aan afeef uga dhigo bulshada Somaliland waayaha taagan iyo waxqabadka loo baahan yahay.

Marka hore bal aynu eegno sida ay u kala baxaan arrimaha taagani, arrimaha iyo duruufaha ay dadku ka cabanayaan waxay u kala baxaan laba qaybood 1. Arrimo ay dawladu masuul ka tahay oo loo baahan yahay in uu wax ka qabto madaxweynaha cusubi. 2. Iyo Arrimo ay sababaan dhaqanka bulshadu oo aanu madaxweynuhu waxba ka qaban Karin. Haddaba muwaadin bal u fiirso labada qaybood ee aan u kala saaray arrimaha bulshada Somaliland muhiimka u ah

  1. Economic Sector / Xagga Dhaqaalaha ( oo u kala baxa – Banking System and Monetary Management, Qaab hawleedka Baanka iyo Maamulka Lacata)

Qaybtan waxa koobaad ee ay dawladu masuul ka tahay waa maamulka Baanka iyo Lacagta, tan madaxweynaha cusibi wuu ka hawl gali karaa, qoraalada dambe Ayaan ku faah-faahin doonaa talooyinka aan madaxweynaha siinayno.

  1. Public Service / Adeega bulshadda, qaybtani waa adeega ay dawladu dadweynaha u qabato oo in badan oo aad muhiim u ahi ay dad gaara gacanta u gashay, waxaana ka mid ah:
  2. Education / Waxbarashada
  3. Energy / Tamarta oo ay ugu horayso dhuxusha la shito, taas oo shirkado ay soo waaridaan Butane Gas
  4. Electricity / Korantada
  5. Health / Caafimaadka

Haddaba, muwaadin aan ku horeeyo dhibaatooyinka, inta dhaqanka bulshadu keento (Ethics of Society Behavior) kaasi oo aad maanta arkayso badawnimo baahsan oo ku habsatay dadka reer Somaliland. Dhaqankan badawnimadda ah ee ku habsaday dadka reer Somaliland ayaa ah mid sababa dhaqaale bur-bur, halka dhinaca kalena ay ka faa’iidaystaan kooxo dhiig-miirato ah oo ganacsi ka dhigtay, waxaana ka mid ah 1. Caafimaadka: tan iyo intii ay Somaliland ka baxday nidaamkii midawgii jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ( Union of Somali Republic ) kana tashatay aayaheedii dawladnimo, waxaa meesha ka baxay adeegii caafimaadka ee ay dawladu bixin jirtay, waxaana abuurmay ganacsato cadaw ah oo jaahilna ah waxa ay ka faa’iidaystaan hab-dhaqanka bulshada ee badawtinimadu salka u tahay. Haddii aad xaafadaha magaaladda Hargeysa dhex marto waxaad arkaysaa dumarka oo isugu faanaya “Carruurtii Ayaan Farmasiga Geeyey”  tacajib!! Ma carruur daawo lagu guro ayaa ah in horumar la gaadhay?, haddaba habdhaqanka noocaas ah madaxweynuhu waxba kama qaban karo, laakiin dawladu haddii ay la xisaabtanto lana saameeyo siyaasad (Policy) lagu maamulo meelaha caafimaadka ee gaarka ah (Private Health Centers), waxa dhici karta in ay inta dhibta badani meesha ka baxdo, qaybana ay soo hadhaan iyaga oo bulshada faa’iido u leh.

Haddaba, muwaadin waxaan maqaaladan ku eegi doonaa, hawalaha taagan ee ay bulshada Somaliland ka cabanayso iyo sida loogu baahan yahay in wax looga qabto, iyo cidda masuuliyadeeda leh, anniga oo  halku dheg uga dhigay “ Inkastoo Nin Geesiyi Raggu Geed Adayg Yahay, Haddaan Garrabka lala Qaban Gurri Oodi Maayee” waxaanad kula socon doontaan qoraal tanne ….

Qalinkii: Keyse Amare

+ 252 63 447 05 52

Keyse.amare@live.com

 

 

COMMENTS
LINKS