Ururka Taakulo Xisbiga Kulmiye Ee Tog-Wajaale Oo Hambalyo U Direy Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Talaabooyinka Mustaqbal Ee Laga Filayo Wasaaradiisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Taakulo Xisbiga Kulmiye Ee Tog-Wajaale Oo Hambalyo U Direy Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Talaabooyinka Mustaqbal Ee Laga Filayo Wasaaradiisa
December 23, 2017 - Written by Editor:

Tog-Wajaale(W,N)-Ururka Dhalinyaradda Ganacsatada ah ee Taakulo oo ka Dhisan Degmada Tog-Wajaale ee katirsan Gobolka Gabiley islamarkaana, kasoo qeyb qaatey Hawlihii Xisbiga Kulmiye Diiwaangalinta iyo ololihii Doorashada Codbixinta ee Gobolka Gabiley iyo Degmada Tog-Wajaale ayaa dhambaal Hambalyo ah oo ay kusoo dhaweynayaan Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland,ee loo magacaabay Wasaaradaas iyo sida uu  ugu qalmo  Mujaahid Maxamed Axmed kaahin soo gaadhsiiyey Shabakada Wararka Wajaalenews

soobe1

Maxamed Xuseen Nuur Bakaal(Maxamed-soobe),oo ku hadlaya Afka dhalinyaradda Ururka Taakulo ee sida Mutadawacnimada iyo Xilkasnimada leh uga soo qeyb qaatey,halgankii Xisbiga Kulmiye usoo marey Rabitaankii hogaaminta Talada Qaranka,Waxa uu halkan Dhambaal Hambalyo ah oo qiima badan ugu Gudbinayaa,Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed,oo ah Gudoomiye Kuxigeenkii Koowaad ee Xisbiga Kulmiye islamarkaana, ay ku hambalayeynayaan Xilka loo soo Magacaabay oo ah mid uu u qalmo u gudan doono si Daacadnimo,iyo dal u shaqeyn ah iyagoo,sigaar ahna hoosta uga xariiqey in uu Wax badan ka qaban doono Dhibaatooyinka dhinaca Maamulka Degmooyinka iyo Hawlaha shaqo ee D/hoose oo aasaasi u ah astaana u noqon doona Nidaamka dhabaha Wanaagsan iyo Sunaha Dawladnimo ee laga filayo Mustaqbalka Xukuumadda cusub.

kkkk2

“Marka hore Mahad illaahaybaa leh,Madaxweynahana Waan uga mahad celinaynaa Xilka Wasaaradda Arimaha Gudaha in uu usoo Magacaabo Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed,oo ah Qofka kaliya ee Bulshada Somaliland Bari iyo Galbeed kalsooni buuxda ku qabto in uu u gudan doono Xilkaasi si waayeelnimo,oo Daacad iyo Dadaal Fiican iyo Hurmar Leh Anigoo ah Maxamed Xuseen Nuur Bakaal(Maxamed-Soobe),Kuna hadlaya Afka Ururka Dhalinyaradda Taakulo ee Ujeedadooda Loo Abuurey in ay Barbar joogsadaan Xisbiga Kulmiye iyagoo dhexdooda Arimaha Dhaqaalaha ka fulinaya,hadey noqoto Doorkii Diiwaangalinta,Doorkii ololaha ee Xisbigu ka galey Gobolka Gabiley,iyo Degmada Tog-Wajaale kaalin qiima lehna kasoo qaatey halgankii Xisbiga Kulmiye ku doonayay in uu talada dalka Qabto,Madaxweyne Muuse Biixi iyo Kuxigeenkiisa Saylici,Waxaanu halkan dhambaal Hambalyo ah oo qiima badan oo aanu kusoo dhaweynayno Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha uga gudbineynaa Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ah Gudoomiye kuxigeenkii Koowaad ee Xisbiga Kulmiye islamarkaana, halgan dheer oo naf hur ah usoo galey dalka iyo dadka Somaliland door weyna kasoo qaatey Dhismaha Qaranimadda Somaliland,iyo halgankii Xisbiga Kulmiye ee kala duwanaa,Waxaanu ku hambalyeyneynaa in Wasaaradaasi heshay Masuulkii u qalmayey,Waxaanu illaahay uga baryeynaa in uu ku asturo Xilkaasi,Anagoo u rajeyneyna in uu Wax badan wax ka qaban doono oo Qaranka ka gufeyn doono Dhibaatooyin is dul Tuulan oo yaala Maamulada Degmooyinka,iyo D/hoose ee Dalka oo astaan u noqon doonta Sunaha Dawladnimo iyo dhabaha fiican ee aanu ka fileyno Isbadelkan Xukuumadan Cusub kor Waayeel waa wada indho Mar labaad iyo Mar Sadexaad ayaanu Hambalyo iyo Ducoba waanu u direynaa”Ayuu yidhi.

kkkkk

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa in ay barbar joogsan doonaan Shacabka Somalilandna ugu baaqayaan Gobol Degmo iyo Tuulaba in lala shaqeeyo oo Shacabku kaalintooda la barbar joogsadaan.

Ururka Taakulo ee Xisbiga Kulmiye ayaa ahaa,dhalinyaro iskood isku abaabuley oo kasoo qeyb qaatey,ololihii Xisbiga Kulmiye,ee loolankii Doorashada Degmada Tog-Wajaale iyo Gobolka Gabileyba.

 

 

COMMENTS
LINKS