Trump:Shiinaha iyo Ruushka ayaa tartan kula jira Mareykanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Trump:Shiinaha iyo Ruushka ayaa tartan kula jira Mareykanka
December 19, 2017 - Written by Wariye:

_99263683_9ab974dc-72c4-4b31-8bfd-fa7a99f2c075Hargeisa(wjn):-Madaxwayne Donald Trump ayaa carab baabay in Shiinaha iyo Ruushka ay tartan kula jiraan Mareykanka islamarkana ay doonayaan in Mareykanka ay kula loolamaan dhanka galaangalka ,mabaa’ddida iyo dhaqaalha.

Madaxwayne Trump oo soo bandhigayay istaraatijiyada cusub ee ammaanka ayaa sheegay in caalamka uu imika ka socdo loollan xooggan oo dhanka militariga ,dhaqaalaha iyo siyaasada.

Mr Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu imika wajahayo khataro ka imaanaya ururo argagixiso,kooxo dambiilayaal ah oo abaabulan iyo kuwa kale oo uu sheegay in ay rabshado fidinayaan.

Istaraatijiyada uu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ah in darbi laga dhiso xuduuda uu Mareykanka la leeyahay dalka Mexica.

Waxaa sidoo kale uu madaxwayne Trump sheegay in la adkeeyo shuruucda socdaalka iyo in la soo afjaro barnaamijka dal ku galka baqtiyaa nasiibka .

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sidoo kale cambaareeyay madaxwaynayaashii isaga ka horeeyay oo uu sheegay in ay dhiseen waddamo dibadda ah islamarkana ay ku guuldaraysteen in ay dhisaan dalkooda hooyo.

COMMENTS
LINKS