Tallaabooyinka Isqiimaynta shaqsiyeed. W/Q: Xamse Tudhaale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tallaabooyinka Isqiimaynta shaqsiyeed. W/Q: Xamse Tudhaale
December 24, 2017 - Written by Reporter:

Haddaba haddii aad rabto in aad samayso isbeddel tayaysan oo munaafacaad badan leh, waxa kaa caawin kara talaabooyinkan isqiimayn nafeed/shaqsiyadeed

25659404_1563790133676269_727254862850645968_n

Maaddaama aynu ku jirno maalmihii ugu danbeeyey Sannadkan 2017-ka, waxa inagu waajib ah in aynu Illaahay (S.W.T) ugu mahadnaqno in uu fursad inoo siiyay nolosha, sidoo kalena  isqiimayn shaqsiyadeed samayno; si aynu uga dhaqaaqno halka aynu taaganahay isbedel wanaagsan aynu u samayno. Qof walba oo inaga mid ahina waxa uu jecel yahay in uu sameeyo horumar qurux badan oo wax soo saarkiisu aad u sarreeyo, balse taas waxa ka horraysa in aad samayso qorsheyaal qiimayneed iyo qorshayaal hadafeed tayaysan oo mug leh.

Haddaba haddii aad rabto in aad samayso isbeddel tayaysan oo munaafacaad badan leh, waxa kaa caawin kara talaabooyinkan isqiimayn nafeed/shaqsiyadeed ee halkan ku diyaarsan, mid walbana waxa uu kaaga baahan yahay in aad u dul istaagto si qotodheer oo aad su’aalo kala duwan iska waydiiso, si natiijada dhabta ahi kuugu soo baxdo; taas oo kuu caddaynaysa heerka aad taagan tahay. Ugu danbayna waxa aad noqon doontaa mid garanaya halka uu ka dhaqaaqayo iyo waliba heerka uu hiigsanayo.

  • Dhanka Xidhiidhada:

1:Xidhiidhka aad Illaahay la leedahay

2:Xidhiidhka aad naftaada la leedahay

3:Xidhiidhka aad Asxaabtaada la leedahay

4:XIdhiidhka aad Qoyskaaga la leedahay

5:Xidhiidhka aad Deegaankaaga la leedahay

 

  • Dhanka Xirfadaha kala duwan iyo Xog Aqooneedka:

 

1: Heerkaaga xirfadeed inta uu gaadhsiisan yahay

2: Xirfadaha kala duwan ee aad leedahay

3: Heerkaaga xog aqooneed inta uu le’eg yahay

 

 

  • Dhanka Habdhaqanka iyo Shaqsiyadda:

 

1: Habdhaqankaaga iyo nooca uu yahay

2: Meelaha aad u liidato hab-dhaqan ahaan

3: Meelaha aad u xoogan tahay hab-dhaqan ahaan

4: Nooca Shaqsiyadeed ee aad leedahay

 

  • Dhanka Ilaha Dhaqaalaha:

 

1: Heerka dhaqaale ee aad taagan tahay

2: Ilaha dhaqaalaha ee aad haysato

3: Kaydka dhaqaale ee aad haysato

4: Hanaan kobcineedka dhaqaalahaaga

5: Dhaqaalaha aad haysato iyo qiimaynta xalaalnimadiisa
Xamse Siciid Maxamed (Tudhaale)  Aasaasaha Akaademiga Tudhaale ahna

Tabobare/ Qoraa ka faallooda horumarinta hab-fikirka Aadamaha

 

Wixii falcelin ah igala soo xidhiidh: 0634410163

 

COMMENTS
LINKS