|
|||||
WAJAALE NEWS
“TABNAAN IYO TOGNAAN XUKUUMADDA MADAXWEYNE BIIXI”Cabdinaasir Axmed Abraham
December 15, 2017 - Written by Editor:Qoraalkaygayan abbaarkiisu yahay saluuggayga xukuumadda M. Biixi wuxu ku soo hagaagay xilli guud ahaan dadkii rajada weyn ka qabay in uu M. Biixi soo dhisi doono xukuumad ka duwan kuwii hore ee lagu hungoobay, yididiilooyinkaa iyo nayaayiradaa shacabku ay burburtay. Goor shacabkii rumaysnaa in M. Biixi xog-ogaal yahay dhismaha xukuumaddiisuna run waaqic ku dhisan noqon doonto Iyana u arkaan riyo aan rumoobin. Ammin dhagaha shacabka ay wali ka sii dhex guuxayaan hadallo wanaagsan oo ka soo yeedheen M. Biixi oo laga filayay in xukuumaddiisu noqoto mid ka turjunta Somaliland la wada leeyahay. SIdaa darteed, ayaan aragtidayda nooca xukuumadda M. Biixi soo dhisay ay u eeg tahay halkan idinkula wadaagi doonaa. Hasa yeeshee, ka hor inta aynaan u gundo-deggin aan idin la wadaago dhowr maalmood uun ka hor inta aanu Madaxweyne Biixi soo dhisin xukuumaddiisa Maqaar-saarka ah ayaan qoraalkan warbaahinta ku baahiyay. “Xarriiq-dhaqaaqa taageerada iyo mucaariddada xukuumadda Biixi waxa bud-dhig u noqon doona hannaanka dhismaha xukuumaddiisa. Sidaa darteed, qofkasta oo waddanka lexejeclo ka qabaa weydiimaha maskaxdiisa ku dhex hirdamaya waa qaar dhismaha xukuumadda ku aaddan. Anna waxa jeclaystay inaan halkan idin kula wadaago qaar ka mid ah su’aalaha dhex guclaynaya maskaxday ee ku aaddan odoroska xukuumad noocee ah ayuu Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi soo dhisi doonaa?” Weydiimahii qoraalkaa aan isku weydiiyay waxa ka mid ahaa;
Sida aan qoraalkaygaa ku bilaabay xarriiqa taageerada iyo mucaaridadda xukuumadda M. Biixi soo dhisi doono, waxa jaan-goyn doona habka uu xukuumaddiisa u soo dhiso. Maanta dareenka dadka ayaa ka jawaabay hal-xidhaalahaa. Aan uga sii gudbo nuxurka fikirkayga xukuumadda M. Biixi soo dhisay. Qodobbada aan ku bogaadinayo dhismaha xukuumaddan waxa ka mid ah; 1.01. DHISMAHA XUKUUMAD DHALLINYARTU SAD WANAAGSAN KU LEEDAHAY In xukuumadda M. Biixi ay dhallinyartu ku badan tahay waa guul weyn marka aan dareen sannahay dhibkii ay da’yarta u geysatay siyaasadda aan laga hawl-gabin. Dhallinyartan oo aan qiyaasayo in da’ ahaan ay 34 jirro ka yar yihiin, waxa aan ku tilmaami karaa hannaan cusub oo dhismahiisa curin xeel-dheeraani ka muuqato. Aragtidayda xulashada dhallinyartan xoogga ahi waxa ay muujinayaa dhowr arrimood oo mid ba gaarkeeda ahmiyad weyn u leedahay. Kala ahna sidan;
Xilalka waaweyn ee da’yarta loo dhiibay waxa ka mid ah; – Yuusuf Maxamed Cabdi Raage, Wasiirka Wasaaradda Hurumarinta Maaliyadda. – Yuusuf Mire Maxamed “Boos” Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarta iyo Ciyaaraha. – Maxamed Axmed Maxamuud “Cawad” Wasiirka Wasaaradda Hurumarinta Maal-gashiga. – Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen, Wasiir-ku-xigeenka WasaaraddaIyo Arrimaha Debedda. – Cabdiqani Maxamuud Caateeye Wasiirka Caddaaladda. – Xuseen Ibraahim Xasan “Buuni” Wasiir-ku-xegeenka Wasaaradda Qorshaynta kuwo kale.
1.02. MIDAYNTA WASAARADO HORE LOO KALA JARAY IYO KUWA UU M. BIIXI GARTAY IN MIDAYNTOODU AHMIYAD WEYN LEEDAHAY IYO KUWO UU CURIYAY In wasaarradaha qaar oo hore laba wasaaradood u kala ahaa uu mideeyay M. Biixi. Kuwaas oo aan ka xusi karo; – Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Wasaaradda Kalluumaysiga. Waxaana hadda luugu yeedhi doonaa, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Hurumarinta Kalluumaysiga. – Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi-gelinta iyo Wasaaradda Dhaqanka. Haatanna isku ah, Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka. – Wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurku waa wasaarad lagu biiray shaqo Qaranku baahi weyn u qabay oo ah qabyo-tirka Xeerka Qaranka (Dastuurka) oo u baahan kaabis iyo wax ka beddel door ah( Amendment) Haddii wasaarraddani shaqadeeda si habsan u qabsato waxa xal loo heli doonaa arrimo badan oo xeerkii caddayn lahaa ama qayixi lahaa uu ku dhaafay, xeer baa qeexi doona. 1.03. KURAASTII JILIBKA MADAXWEYNUHU KU WADHWADHEEN OO UU HOOS U DHIGAY In xilal dhowr ah oo xukuumadda ay jilibka madaxweynuhu (Sacad Muuse) ka hayeen uu ka qaaday.Taasi oo ah hal tallaabo oo dhinaca wanaagsan loo qaaday. Haddii uu ku dhiiran lahaa saamiga kuraasta ee beesha dhexe in uu intan ka yareeyo, waaxda uu iyaga ka soo jarana siiyo qabaa’ilka hore u saluugsanaa saami qaybsiga xukuumadda. 1.04. XUKUUMAD QURBE-JOOGTU KU YAR TAHAY Xukuumaddii M. Siilaanyo Qurbe-joogtu waxa ay ku dhowaayeen saddex-daloolow-laba, waxa aad mooddaa in tan uu M. Biixi soo dhisay ay u badan tahay dad xog-ogaal u ahaa xaalka waddanka oo iskugu jira dhallinyar waddanka wax ku baratay, oo aan ka soo qaadan karo, Wasiirka Caddaaladda Cabdiqani Maxamuud Caateeye “Fariid” Wasiirka Hurumarinta Maaliyadda, Yuusuf Maxamed Cabdi Raage iyo shakhsiyaad kale oo rug-cadaa ah oo uu gadhwadeen u yahay Maxamed Kaahil Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha. QALLOOCA MUUQDA WAJIIGA HORE EE DHISMAHA XUKUUMADDA M.BIIXI Markii aan eegay dadyow kala duwanaa ee indheer-garadka ahaa ee noocyada bulshada oo dhan matalay ee uu M. Biixi talada waddanka wax ka weydiiyay, ee aan u geeyay in uu xog-ogaal u ahaa guud ahaan waddanka wixii ka dhacay shar iyo khayr ba waxa ii soo baxday in uu soo dhisi doona xukuumada tan hordhaceedu hadda muuqdo ka barako badan waxa aanan ku dhaafayaa meerisyadan; “Duluc-furasho mooyee, Ducatay oo wax may dhalin…” Gaarriye. 1.01. MAGACAABISTA WASIIRRADAN HOOS KU XUSAN KUWA LAGU HUNGOOBAY AYAY IILA MUUQDAAN Xubnaha golaha wasiirrada ku jira xukuumadda Biixi ee waxa ku jira kuwo xilalkii hore ee ay ummadda u hayeen dayacay oo hadda xil kale loo igmaday iyo qaar aan waaqica dalka wax badan ka ogayn oo ay aad u adag tahay in ay la jaan qaadaan. Markii aan magacyadooda maqlayna waxa maskaxdayda ku soo dhacay meerisyo uu Hadraawi lahaa oo maansada Debed-yaal ku yjiray. Waxay ahaayeen; Wuxu yidhi degmadaydu Duleed-joogta maqashiyo, Ka hagrada ma durugtada, Ayay geel u dirataa.
Abdiraxaan Cabdillaahi Faarax Diiriye “Guri-barwaaqo” Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta
LA SOCO… COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|