Taageerayaashii Siyaasiyiintii iyo Kaadiriyiintii Kulmiye Oo Olole Xoogan U Galey Kaadhadhka Martiqaadka Tirrada Loo Qorsheeyay iyo Xiisada Haweenka Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taageerayaashii Siyaasiyiintii iyo Kaadiriyiintii Kulmiye Oo Olole Xoogan U Galey Kaadhadhka Martiqaadka Tirrada Loo Qorsheeyay iyo Xiisada Haweenka Kulmiye
December 12, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Caasimadda Somaliland ee Hargeysa,ayaa siweyn looga dareemay labadii Maalmood ee u Dambeeyay ololaha iyo orodka loogu jiro qaadashadda Kaadhka Martiqaadka, ee lagaga Qeyb galayo Munaasibadda Xaflada Xilwareejinta Labadda Xukuumadood ee Xisbiga Kulmiye oo lagu qabanayo isla Xarunta Qasriga Madaxtooyadda Somaliland inkastoo xiisada Baadi goobka kaadhadhka Martiqaadka maanta Siweyn looga dareemayey Gudaha Magaalada Hargeysa,islamarkaana,Siyaasiyiinta,Kaadiriyiinta,iyo Taageeraayaasha Xisbi Xaakimka Kulmiye Xuuraankii ugu adkaa u galeen sidii uu qof waliba uga Qeyb gali lahaa Xafladaasi.

 

98(1).jpg

Haseyeeshee, Tiradda dadka Doonaya kaadhadhkan Martiqaadka Xafladda Xilwareejinta Madaxtooyadda iyo Qorshaha kaadhadhka loogu talagaley Munaasibadan ayaa, faraq weyni u dhexeeyaa taas, oo sabab u noqotey in baadidoonka iyo hadalheyntoodu hawl iyo hawl noqoto,Sida la xaqiijiyey waxa Munaasibadda lagu marti qaadey kun iyo shan boqol oo qof (1500)inkastoo,uu ka Hadley Wasiir Sacad Cali Shire oo ah Gudoomiyaha Gudida Qabanqaabadda Xilwareejintu inta qof ee laga casuumey Degmooyinka Gobolada,iyo Caasimadaba balse, taasi waxaan ku qanacsaneyn kumanaan Siyaasiyiin iyo Kaadiriyiinba leh oo rag iyo dumarba isuga jira.

Qeybaha Haweenka Xisbiga Kulmiye,ayaa galinkii hore ee Saaka Siweyn ugu soo xoomay Xarunta Xisbiga Kulmiye Caasimada Hargeysa, ee Degmada Ibraahim Koodbuur halkaas,oo laga dareemayey buuqa iyo ciil dagaalka haweenku qeybo badan oo kamid ahi ka muujinayeen in ay waayaan kaadhka Martiqaadka iyo dareeno  hibatayn ah oo ay haween badani isu haaraameen inkastoo, la ilaawi doono Maalmaha soo socda,haddana waxa iyaguna dhinacooda geed dheer iyo mid gaabanba u fuuley sidii ay  heli lahaayeen Masuulyiintii hore ee Xukuumadda haddey yihiin,Wasiiradii faraha badnaa,Agaasimayaashii,Maayaraddii,Xildhibaanadii Golayaasha Wakiilada,Guurtida,iyo Golaha  deegaanada D/hoose ee Dalka, Xoghayayaashii D/hoose iyo Saraakiishii Ha,aydaha Dawllada oo dhan, kuwaas oo aaney Suurtagal wada noqoneynin in ay wada helaan martiqaadkan laakiin, aan marnaba ku qanacsaneyn in ay waayiba karaan ka Qeybgalka Xafladan.

 

 

COMMENTS
LINKS