|
|||||
WAJAALE NEWS
Suldaan Ku Baaqey In Lixda Gobol Ee Somaliland Diyaariyaan Ciidamadda Qudus Ku Jihaadi Doona Mustaqbalka.
December 11, 2017 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Suldaanka Guud ee Beelaha Sacad Muuse Suldaan Mawliid Ibraahim Cali(Sabeyse),ayaa ku baaqey in Somaliland Goboladeedu diyaariyaan Ciidamadii ku jihadi ;lahaa Baytal Qudus islamarkaana, xoreyn lahaa Masjidka Barakeysan ee Masjidul-Aqssa si ay aakhiradooda iyo Aduunyadoodaba aayo fiican ugu Dhigaan oo Islaanimadda ku qotonta ugu Meel Dhigaan. Suldaan Mawliid Ibraahim Cali(Sabeyse),oo dhambaalkiisan soo gaadhsiiyay Shabakada Wararka hadhwanaagnews,isagoo ku sugan Caasimada Somaliland ee Hargeysa,waxa uu ugu baaqey Madax-dhaqamedka iyo Shacbiga Islaamka ah ee Reer Somaliland in Xiligan lasoo gaadhey wakhtigii loo gurman lahaa Baytal-qudus ee Ciidan ku shahiida loo geyn lahaa,isagoo arintaa ka hadlaya waxa uu yidhi. “Anigoo ah Suldaan Mawliid Ibraahim Cali(Sabeyse),kana mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland gaar ahaan, Suldaanka Guud ee Sacad-Muuse Waxaan ugu baaqayaa Guud ahaanba Madax-dhaqameedka iyo Shacbiga Somaliland ee Gobolada dalka in Wakhtigan loo baahan yahey ugu yaraan lix kun oo ah Ciidamaddii ku shahiidi lahaa Baytal-qudus iyo Masaajidka Barakeysan ee Masjidul-Aqssa oo aynu lawada socono,xaaladiisa iyo halka ay maanta Taagan tahey,wax kasta oo aynu ka shaqeyneyno iyo wax kasta oo aynu ku fooganahey taasaa ka kheyr iyo ajri badan oo la inooku dambi dhaafayaa oo aynu janatul fardawsa ku muteysanaynaa Aakhiradeena iyo Aduunyadeenaba ka afdal ah Waan ku baaqayaa Mar labaad iyo Mar Sadexaad in laga hawlgalo”Ayuu yidhi Suldaan Sabeyse. Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa in Ciidamadaas laga ururiyo Lixda Gobo lee Somaliland,ee Gobolada Waaweyn ah oo Gobol Waliba kun Qof oo Dagaalkaa ka qeyb qaata ka hawlagalaa Madax-dhaqameed iyo Waxgarad iyo Shacbiba dhamaantiin. Waa Markii u horeysay ee Nooceeda ah,oo Madax-dhaqameedka Somaliland ka hadlaan talaabo noocan ah oo loogu hiilinayo Baytal-Qudus iyo Xiisada Wakhti Xaadirkan ka taagan.
XIGASHO; HADHWANAAGNEWS
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|