“Siilaanyo Horta Isagu Maaha Kii Hawaysan Lahaaba In Loogu Magac Daro Maktabadda Ama Library-ga Qaranka Ee Lagu Dhisay Cashuurtii Danyarta” Yuusuf Cabdi Gabobe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Siilaanyo Horta Isagu Maaha Kii Hawaysan Lahaaba In Loogu Magac Daro Maktabadda Ama Library-ga Qaranka Ee Lagu Dhisay Cashuurtii Danyarta” Yuusuf Cabdi Gabobe
December 9, 2017 - Written by Editor:

“Madaxweyne Siilaanyo Mudadii Uu Xilka Hayey Wuxu Sidii Boqorkii Hulago Khan Ee Sanaki 1258 Gubay Maktabadii Baqdaad Oo Xiligaa Aheyd ta Caalaamka Ugu Weyn, Uu Burburiyey Library-gii Gaandi’ Waxaanu Jagadii Uu ku Yaalay Siiyey Nin Ganacsade ah”

HARGAYSA(W,N) Madaxweyneyaasha Sida Dimuqraadiga ah xilka loo gala wareego ayaa marka ay noqdaan muwaadin caadi ah waxay (inta badan) ka fakiraan wixii ay bulshada tari lahaayeen inta nolashooda ka hadhsan.Qaarba (gaar ahaan kuwa Maraykan ka) waxay ku dhaqaaqaan inay sameeyaan Library ay ku magacaabanyihiin oo lagu kaydiyo macluumaad, documents,sawiro etc ku saabsan mudadii ay xilka hayeen wixii dhacdooyin taarrihk ahaan soo maray si dadweynaha iyo jiilasha dambe ula socdaan xogogaalna u noqdaan isla markaana ka faaiidaystaan macluumaadkaasi keydsan.Bimacnal kalima waa Matxaf (Museum)oo kale oo laga daawanayo Madaxtooyadii madaxweyne hebel mudadii ay jirtay sida ay aheyd.

yuusuf cabdi gaboobe

Madaxweynaha doonaya inuu yeesho Library-ga caynkaas ah ee uu ku magacaaban yahay isagaa kharashka ku baxaya isu qaba (ama lacag uu leeyahay ha ku bixiyo ama tujaartii taageerijirtay ha ka caawiso’e.).

Madaxweyne Siilaanyo mudadii uu xilka hayey wuxu sidii boqorkii Hulago Khan ee sanaki 1258 gubay Maktabadii Baqdaad oo xiligaa aheyd ta caalaamka ugu weyn uu burburiyey library-gii Gaandi waxaanu jagadii uu ku yaalay siiyey nin ganacsade ah kaasoo uu waliba ugu daray dhismeyaashii taarrikhiga ahaa ee boostii iyo maxkamadii Qadul-qudaadka ee Hargeysay lahaan jirtay .Kolkaa hortu isagu maaha kii hawaysan lahaaba in loogu magac daro Maktabadda ama Library-ga Qaranka ee lagu dhisay cashuurtii danyarta iyo qaadhaankii muwaadiniinta laga soo ururiyey.Waxa seh u furan inuu maalgaliyo maktabad magaciisa xambaarsan oo u waliba ka sameeyo mid ka mid ah magaalooyinka Somaliland ee kale ee aan maktabadaha laheyn.

 

QALINKII SAXAFI YUUSUF CABDI GABOOBE

COMMENTS
LINKS