|
|||||
WAJAALE NEWS
Sida Lagu Ogaado Caanaha Caruurta Ee Been Abuurka Ah
December 6, 2017 - Written by Reporter:“Waxaan aad uga cabsi qabaa waxyaabaha caruurta ee la been abuuray,” ayey tidhi Zeng oo gabadheeda ay 11-jir tahay.
Waxay ka walaacsan tahay dhibaatada caafimaad ay gabadheeda wajihi karto ee ka dhalan kara caanaha la been abuuray ee aan ahayn kuwa saxda ah. Walwalkeeda wuxuu muujinayaa fadeexadda ballaadhan ee aadanaha dhankiisa ka timaada ee caalamka oo dhan hadda ka jirta, waxaana la arkay alaabo been abuur ah oo laga faa’iday malaayiin dollar, suuq fiicanna yeeshay. Haddii dharka been abuurka ah ay saameeyaan lebiska oo keli ah, dawada la been abuuray waxay qofka u geysan kartaa dhibaato wayn. Balse qalab casriga ah ee tiknolojiyadda ah ayaa la sheegay in looga badbaadi karo. Qalabka waxaa loogu magacdaray blockchain. Waxaa loogu talagalay in lagu xaqiijiyo sax ahaanta cuntada caruurta, dawada iyo yareynta ka ganacsiga dheemanka gaduudan. Qalabka wuxuu sidoo kale gacan ka geysanayaa in kalluunka la dhoofiyo uu ahaado mid aan hallaabin. Zeng iyo seygeeda Shi waxay deggan yihiin magaalada Jiaxing, halkaas oo ay ku nool yihiin 1.2 milyan oo qof, magaaladaasi kama foga Shanghai. Ayaga iyo waalidiinta kale ee cusub waxay ka baqayaan caanaha warshadeysan ee caruurta, ka dib markii sannadihii la soo dhaafay la arkay kuwo wasakhaysan. Waxaa lagu daraa walax ka sameysan Melamine si tijaabada dowladda ee dhanka nafaqada ay u noqoto mid sax ah. Balse maadadaasi waxay sababtaa in dhagxaan ay kelyaha galaan ama in ay shaqada oo dhan gabaan. Sannadkii 2008, qiyaastii 300,000 oo caruur ah ayaa xanuunsaday ka dib markii ay cabeen caano lagu daray Melamine, waxaana markaas ka dib bilowday cabsi ballaadhan. “Si buuxda uma aamini karo bakhaarada, suuqyada waawayn ama xittaa internet-ka. Waan ogahay mararka qaar in dadka ay waxkasta u sameynayaan lacag darteed,” ayey tidhi Zeng. Balse waxay ogaatay in blockchain loo adeegsan karo in lagu xaqiijiyo sax ahaanshaha caanaha iyo cuntada caruurta. Ayadoo adeegsaneysa telefoonkeeda oo lagu xidhay qalab yar oo xaqiijinaya waxa ay alaabta tahay. Xadhig yar ayaa lagu xidhayaa gasaca ama daasadda caanaha caruurta, sida uu sheegay Alexander Busarov, madaxa fulinta shirkadda qalabka sameysay.
Qalabka wuxuu u shaqeynayaa sida anteeno si uu ugu xidhmo wax yar oo lagu dhejiyo telefoonka nooca casriga ah. Wuxuu lambar cusub u sameynayaa alaabta lagu eegayo, xaqiijintana waxay qaadaneysaa illaa laba ilbidhiqsi, sida uu tilmaamay Mr Busarov. Ka dib waxaad heleysaa natiijada oo faafaahsan, sawir iyo meesha alaabta lagu sameeyay. Blockchain waa qaab wanaagsan oo lagu ogaado xitaa dawada, sida ay tilmaamtay Suzanne Somerville oo ka tirsan mashruuca MediLedger oo arrimaha shaybaadhada ka shaqeeya. Qalabka Blockchain waxaa hadda isticmaala illaa toban shirkadood oo sameeya dawada oo ku yaalla Mareykanka. Sidoo kale laba tukaan oo iibiya boqolkiiba 50 dawada Mareykanka ayaa sameystay qalabkan.
Blockchain waxaa sidoo kale loo adeegsadaa ka hortagga kooxaha hubeysan ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika kuwaas oo dagaalka ku saleysan dheemanka sanadkastaa ka faa’ida $3m illaa $6m oo dollar, sida ay sheegtay shirkad fadhigeedu yahay Washington DC. Sanadkii 2003-dii, Qaramada Midoobey ayaa sameysay hannaan ay 81 dal uga hortagi karaan “dheemanka cas” ee dhaqaalaha ay ka helaan kooxaha hubeysan. Sidoo kale waxaa la sameeyay mushruuc ay $80 bilyan oo dollar, oo lagu ansixiyo dheemanka, si looga hortago midka aan saxda ahayn ee suuqyada soo gala. Laakiin waxaa la ogaaday in laaluush lagu heli karo warqadaha cadeymaha ah.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|