|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkada DP World Oo Sheegtay Inay Bilaabayso Balaadhinta Iyo Dhismaha Dekada Berbera.
December 17, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N)-Shirkadda DP world ayaa sheegtay inay horaanta sannadka cusub ee 2018 bilaabayso wejiga koowaad ee balaadhinta dekedda Berbera ee caalamiga ah.
Mr. Supachai Wattanaveerachai, oo ah madaxa DP world ee berbera ayaa wargeyska The reporter ee ka soo baxa da Addis Ababa ee Itoobiya u sheegay in DP world ay dhawaan bilaabayso balaadhinta dekedda Berbera. “Waxaanu hadda ku jirnaa gunaanadka codsiyadii shaqada dhismaha; waxaanan ogaysiis rasmi ah deg deg ugu baahin doonaa cidda ku guulaysatay.” ayuu yidhi Mr. Supachai Wattanaveerachai. DP world waxay sheegtay in qarqarka sabadda ah ee dekedda uu yahay 400 oo mitir, kaas oo la filayo inuu wax ka weyn ka taro kor u qaadista adeegyada ay dekedu qabato. Warbixintan uu wargeysku qoray waxa kale oo lagu sheegay in DP world ay dekedda Berbera keentay qalab badan oo casri ah oo ka qayb qaadan doona in dekedda Berbera ay noqoto mid caalami ah, waxaanu wargeysku sheegay in dekedda Berbera diyaar u tahay inay soo jiidato ganacsatada dalka Itoobiya oo ah dal aan deked lahayn. DP world waxa ay wargeyskan u sheegtay inay kor u qaaday shixnadaha soo mara Berbera 30% ilaa sannadkii2016. Related posts:DAAWO;-Hogaanka Xisbiga Wadani Oo Ka Qaybgalay Munaasibad Lagu Shaacinayay Musharixiinta Wakiilada I... Jarmalka oo Ka Hadlay Cilaaqaadka Ay Leeyihiin Somaliland iyo Guddida Maalgashiga Malaysia oo Danayn... “Waxaan Haweenka U Sheegayaa In Shaqada Korontada Ayna Ahayn Mid Adag, oo Ay Tahay Mid Siinaysa Habl... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|