Shirka Wadamada Bariga Afrika Oo Lagu Soo Gaba Gabeeyay Jabuuti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirka Wadamada Bariga Afrika Oo Lagu Soo Gaba Gabeeyay Jabuuti
December 4, 2017 - Written by Reporter:

Djibouti,(W,N) – Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shir ay ka qeyb galeen qaar ka tirsan wadamada Bariga Africa, kaasi oo dalkaasi ka socday mudo Todobaad ah.

wjn-xayaysiis

2017124636479498411570900Map.png

Shirkan ayaa wadamada ka qeyb galay waxaa ka mid ah Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Tanzania, Uganda, Yemen, Suudaan, Itoobiya iyo wadamo kale oo ka tirsan Bariga Afrika, waxaana dhinacyadii ka qeyb galay ay isla meel dhigeen qodobo dhowr ah.

Mahdi Yuusuf Cumar oo la Taliye u ah wasiirka Garsoorka Jabuuti oo VOA-da uga waramay waxyaabihii looga hadlay shirkan ayaa wuxuu sheegay shirkan in si gaar ah diirada loogu saaray xoojinta iskaashiga wadamada Bariga Africa, ka hortagga Argagixisada iyo qodobo kale.

Wuxuu sheegay xubnihii ka qeyb galay shirkan in si gaar ah ay u falanqeeyeen arrimaha Argagixisada, waxayna qireen in Argagixisada ay tahay awood jirta, loona baahan yahay sidii looga hortagi lahaa.

Shirkan ayaa noqonaya shirkii labaad oo markale lagu qabto dalka Jabuuti, waxaana uu yahay mid mudo kadib lagu qabto wadan ka mid ah wadamada Africa.

 

COMMENTS
LINKS