|
|||||
WAJAALE NEWS
Qof Noocee Ah Ayuu Ahaa Cali Cabdalla Saalax?
December 5, 2017 - Written by Reporter:
Saalax wuxuu ahaa siyaasi wuxuuna xulafo la’ahaan jiray madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen, laakiin taageeradiisii ayuu dhanka Maraykanka u weeciyay wixii ka dambeeyay weerarkii 9/11 wuxuuna ku badashay malaayiin doolar oo gargaar ah. Sannado badan ayuu maareeyay in xilkii uu isku dhajinayay iyadoo ay dalkaas ka jirtay saboolnimo iyo waliba iyadoo ay taasi wehelisay muranno badan oo qabiil iyo dad badan oo hubaysan oo ka soo horjeeday. Si kastaba ha ahaatee dawladdii kaligeed taliska iyo musuqmaasuqa isku darsatay ee Saalax waxaa soo afjaray mudaaharaadyo waawayn oo ay dadku isugu soo baxeen magaalooyinka. Dhisamashiisii 4tii Decembar ayaana dhacday maalmo uun ka dib markii uu soo afjaray xulafadii uu la ahaa jabhadaha Xuutiyiinta ah, iskaashigaas ayaase soo jiray saddex sano oo uu dalkaas ka taagnaa dagaal sokeeye. Maxaa ku dhacay Saalax?Tageerayaashiisa ayaa billooyin badan ka garab dagaalamayay Xuutiyiinta iyaga oo ka soo horjeeda madaxweynaha hadda haya talada dalka Yemen ee Cabdurabah Mansuur Haadi. Laakiin 2dii Dhisembar ayuu Salaax soo jeediyay “in bog cusub la furo” haddii xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo ee taageeraya Hadi ay joojiyaan weerarrada ay ka gaysanayaan dalka Yemen ayna soo afjaraan go’doominta. Xuutiyiinta ayaa markaas ku eedeeyay in uu “inqilaab” gaysanayo, waxaana billawday dagaal dhex maray taageerayaashiisa iyo kuwa Xuutiyiinta. Maalmo ka dib Saalax waxaa lagu dilay Koonfurta caasimaddka dalka Yemen ee Sanca. Dhacdadaas waxaa aad u ammaanay “oo arrin wayn oo saamayn leh” ku tilmaamay hogaamiyaha Xuutiyiinta, CabduMalik al-Xawti. Hardankiisii siyaasadeedCali Cabdalla Saalax wuxuu dhashay 21 March 1942dii, wuxuuna ka soo jeedaa qabiilkaa Sanhan. Ciidammada ayuu ku biiray isaga oo ka qaybqaatay dagaalkii sokeeye ee dawladdii Waqooyiga Yemen, dagaalkaas oo u dhexeeyay boqortooyadii uu Sucuudigu taageersanaa iyo Jamhuuriyiintii ay Masar maalgalinaysay. Markii shirqoolka lagu dilay madaxweynihii Waqooyiga Yemen Axmed ibn Xuseen al-Ghashmi 1978dii, Saalax ayaa noqday afar ruux oo ka mid ah guddigii hogaanka qabtay. Wuxuu aad uga shaqeeyay la midoobidda Koonfurtii Yemen ee Shuuciga ahayd, hawshaas ayuuna sii dardar galiyay markii uu dumay Midawgii Soofiyeet oo ahaa meesha ugu wayn ee Koonfurtu ay taageerada ka heli jirtay. Bishii May ee 1990kii Cali Cabdalla Saalax ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda cusub ee Yemen iyadoo caasimaddana Sanca laga dhigay. “Aragagixiso la dagaalanka”Sannadihii hore ee jamhuuriyadda dhibaato ayaa soo foodsaartay. Dagaal sokeeye ayaana qarxay, 1994tiina koonfurta ayaa ku dhawaaqday madaxbannaani, si kastaba ha ahaatee gooni u goosadkaas ayaase labo billood oo kali ah sii jiray, Saalax ayaana mar kale la wareegay hogaankii Yemen oo midaysan. Doorashadii u horraysay ee xor ah xisbiga Saalax ee GPC ayaa ku guulaystay kuraasta intooda badan, laakiin dawlad wadaag ah ayuu la sameeyay xisbiga YSP iyo xisbigii diinta ee Islaax. Rabshado ayaana wali sii hadheeyay siyaasadda Yemen. Jabhado dib ugu soo noqday Yemen 1990-kii oo ka soo dagaalamay Afghanistan iyaga oo ka soo horjeeda midawgii Soofiyeet ayaa sii huriyay colaaddii Yemen. Rabitaan la’aanta dawladda loo hayay ayaa koradhay markii uu Saalax Maraykanka u ogolaaday in ay ugaadhsadaan Malayshiyaadka wixii dhacdadaas ka dambeeyay. Markii uu dhacay weerarkii 9/11 lagu qaaday Maraykanka ka dib ayuu Saalax booqday Washington wuxuuna la soo laabtay gargaar maaliyadeed isaga oo ogolaaday in CIA-da ay Yemen ka billawdo “dagaal ka dhan ah argagixisada”. Mudaaharaadyo waawaynKhuburada milatariga ee dalka Maraykanka ayaa la geeyay Yemen si ay u tababaraan ciidammada khaaska ah ee la dagaalamaya argagixisada ee ka dhanka ah al-Qaacidda iyo kooxaha xulafada la ah. Bishii June ee 2004-kii ku xigeenkii hore ee gudoomiyaha baarlamaanka Xuseen al-Xouti oo calaaqaad la lahaa Lubnaan ayaa billaabay dagaal hubaysan oo ka dhan ahaa xukuumadda. Ciidammadii dawladda ayaa durba cagta mariyay jabhaddaas laakiin boqollaal ruux ayaa ku dhintay. Laakiin markii uu ku guuldarraysatay in uu keeno isbadalladii dhaqaale iyo kuwii siyaasadeed ee aadka loogu baahnaa ayay Yemen ku sii bateen dadka mucaaradka ah. Mudaaharaaadyo waawayn oo caan noqday oo ay sii huriyeen kuwii ka dhacay Masar iyo Tunuusiya ayaa ku qasbay in uu ku dhawaaqo in uusan isu soo taagi doonin doorashadii 2013kii. Xil kadagistii SaalaxMarkii uu ka laabtay ballanqaadkii bishii May ee 2011 oo uu sheegay in uusan is casilaynin dibad baxyo hor leh ayaa billawday. Bil ka dibna si xun ayuu u dhaawacmay ka dib markii la weeraray madaxtooyada. Ka dib markii Saalax lagu soo daweeyay Maraykanka wuxuu Yemen dib ugu soo laabtay bishii Feberwary ee 2012kii dibad baxyo hor leh ayaana billawday. Bishii Feberwaryna 27keediina si rasmi ah ayuu madaxweyne ku xigeenkiisii Cabdrabbah Mansour Hadi ugu wareejiyay awoodda, ugu dambaynna wuu is casilay. Si kastaba ha ahaatee Saalax waxaa dilay xulafadii hore ka dib dagaal maalmo socday oo dhex maray Xuutiyiinta iyo ciidammadii daacadda u ahaa.
XIGASHO,BBC Related posts:Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Kormeeray Xarumaha Ciidanka Bool... “Waxaan Xukuumadda Ina Biixi Uga Digaynaa Inay Uga Sii Darto Talefiishano Aan Ku Soo Jeedin”. Siyaas... Maydka Marxuum Abiib Diiriye Oo Caawa laga Soo Anba Bixiyay Dalka Jarmalka Iyo Wkhtiga Uu Hargaysa ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|