|
|||||
WAJAALE NEWS
Muwaadin Reer Jabuuti ah Oo Mar kale ka Waramay Cadaalad Darooyin Uu kala kulmay Maxkamadaha Somaliland Iyo Cadaymo La Xidhiidha Cabashadiisa Oo Uu Soo Bandhigay.
December 5, 2017 - Written by Editor:“Aniga Oo Ku Hadlaya Magaca Dawlada jabuuti iyo Muwaadinka Aan matalayo, Waxaan si Deg Deg ah idiinkaa Codsanayaa in Jawaab Sharci laga helo Ismarkaana Hantida Maguurtada ah Si Deg Deg ah Loogu soo Celiyo Gacanta Dadka leh”Safiirka Dalka Jabuuti Ufadhiya Somaliland Oo qoraal wasaarada Arimada Dibada Jsl Uga Soo gudbiyay kiiska hanta maguurto ah oo lagu Haysto Qoyska Ilma Cabdilaahi Nuur, DJABUTI(W.N) Muwadin Naasir Cabdilaahi Nuur Ayaa Cabashooyin Xoogan ka muujiyay Dawlada hoose ee Caasimada Hargaysa oo uu Hore U soo Bandhigay Talaabooyin Sharciga baalmarsan oo ay Mulkiyado Khaldan ugu samesteen Dad kiro ugu jiray guryo ay ku leeyihiin Caasimada Hargaysa Sidoo kale Mr Naasir oo ku hadlaya Qoyska Ilma Cabdilaahi Nuue ayaa soo bandhigay Talaabooyin Sharciga Baalmarsan oo iyana ay kula kaceen garsoorka Somaliland kaasi oo uu warbaahinta usoo gudbiyay cadaymaha iyo waxyaabaha uu kala kulmay Gudoomiyaha Maxkmada sare Ee Jsl iyo sidoo kale maxkamada degmada ilaa Racfaanka iyagoo sida uu sheegay marin habaabiyeen Dacwadiisii iyo Hantida Ma Guurtada ah Ee ay ku Leeyihiin magaalada Hargaysa. Muwaadinkan Reer Jabuuti oo Arimahasi ka Hadlaya ayaa Wuxu yidhi. “Cadaalad Darooyinka nagu dhacay Ee Aanu kala kulanay Garsoorka Somaliland waxaa kamid ah anagoo maxkamada degmada ay nooga socoto kiis dhaxal ah oo ay qoyskayaga ka dhexeeyay isla markaana ay maxkamada degmadu xukuntay in aan qof ama laba iibin Karin guri ka mid ah guryaha aanu qoys ahaan ku leenahay, ayaa waxa mucjiso nagu noqotay in nin maxkamada racfaanka iska tagay isagoon ka mid ahayn xataa qoyskan dhaxalku ka dhexeeyo waxaana la yidhi waa soo dhex gale kaasi oo maxkamadii si sharciga baalmaransan ugu xukuntay guri uu leeyahay waalayga iibiiyay” Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi, “Nasiib daro waxaanu isnidhi bal gudoomiyaha maxkamada sare ula taga dhacdadan idin kala kulantay maxkamadihii Somaliland, balse rajadii aan ka qabnay gudoomiye Aadan Xaaji Cali May dhicin ee waxaa halkii kasii socotay sharcidaradii hantidayada lagu minguurinayay waxay qaateen Garsoorayaashii maxkamadu laaluush, iyagoo qaar kamid ahi aniga igu yidhaahdeen hadii aad lacagta intaa leeg bixiso anaga ayaa wax kuu qaban, ayuu yidhi dhibane Naasir”. Dhanka kale muwaadinkan reer jabuuti ayaa soo bandhigay Qoraalo culus oo ay dacwadiisa ka gudbiyeen gudiga Garsoorka Ee Golaha Wakiilada. Iyo Safiirka Dalka jabuuti U fadhiya Somaliland Ayaa Taariikhdu markay ahayd 09/04/2017 qoraal uu wasaarada arimada dibada ku socodsiiyay ku sheegay in ay xukumada Somaliland wax kaqabato cabashada sharcidarada la gula kacay Hantida muwaadin u dhashay dalka jabuuti. HALKAN KA EEG QORAALKA AY KA QOREEN DACWADAN GUDIGA GOLAHA WAKIILADA EE ARIMAHA GARSOORKU;
Halkan kaga Bogo sida ay dhaceen xukunadaasi Ay ku kaceen maxkamadaha kala duwan Ee Somaliland,
LASOCO QAYBAHA DANBE OO XASAASIYA WAJAALENEWS DESK EAMIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:"Dumarku Inay Siyaasadda Ka Qaybgalaan Diintuna Way Ogoshahay, Ee Waxa Hortaagani Waa Cunfi"Wasiirka... Daawo:Waxgaradka Iyo Odayaasha Beesha Ciise Oo Cabasho Xoogan Ka Muujisay Isku Shaandhayntii Xalay I... Halkan Ka Akhri Nuxurka Warqad Ay Dawlada Biritan Kaga Jawaabtay Go'aankii Madaxweyne Siilaanyo Kula... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|