Murrashax Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Ugu Baxay Dalka Kenya+Ujeedada Socdaalkiisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Murrashax Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Ugu Baxay Dalka Kenya+Ujeedada Socdaalkiisa
December 3, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Murrashaxa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa tan iyo intii lagu dhawaaqay natiijadii doorashadii madaxtooyada Somaliland ee dalka ka qabsoontay 13-kii Bishii November ee dhamaatay kadib waxa uu safar ugu baxay magaalada Niarobi ee caasimada dalka Kenya.

 

Skjermbilde-60

Murrashaxx Cabdiraxmaan Cirro ayaa baxay Doraad,ujeedada socdaalkiisana wax war ah kamay soo saarin Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,balse xogoha aan helayno ayaa tibaaxaya in safarka Murrashax Cirro uu yahay mid Shakhsi ah isla markaana ay ku waheliyaan qoyskiisu.

Murrashax Cirro ayaan warbaahinta la hadal,waxaana warbaahinta ugu danbaysay habeenkii uu shaaciyay in uu danta Qaranka ee guud uu u aqbaly natiijadii doorashada oo uu sheegay in ay ahayd mid madmadow badan uu ku jiray.

 

 

COMMENTS
LINKS