Mujaahidkii Labaad Oo Noqday Madaxwaynihii Shanaad Ee S/land Iyo Madal Kulmisay Madaxda Geeska Africa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mujaahidkii Labaad Oo Noqday Madaxwaynihii Shanaad Ee S/land Iyo Madal Kulmisay Madaxda Geeska Africa.
December 13, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Maalintu waa Arbaca, Waa maalin maalmaha ka tilmaaman oo ku astaysan munaasibad midabo badan. Waa maalin iyo madasheed oo ay bulshada badankeeda kala socdaan warbaahinta Somaliland,Waa   Maalin shucuubta  geeska Africa u ah farxad,Waa maalin xillka Madaxwayne ka dagayo halka Madaxwayne kalana xillka la wareegayo,Waa maalin lagu caleemo saarayo Magaalada Hargaisa  Madaxwaynihii Shanaad ee S/land.

halow madaxwayne muuse 2

Madaxwaynaha la caleemo saarayaa waa kuma? Waa Mujaahidkii ugu nasiibka badnaa Saraakiishii hogaaminaysay halgankii dib u xoraynta Qaran ee SNM hormoodka ka ahayd. Waa Madaxwayne Maalqabeena marka loo eego Afartii Madaxwayne ee ka horeeyay, Madaxwaynaha la doortay waxa uu  ku leeyahay caasimada Hargaisa dhismayaal badan oo fiilooyin . Waxa kale uu leeyahay Beer wayn oo ku taal waqooyiga Caasimada Hargaysa kana mid ah Beero biyoodka ugu soo wax soo saarka badan beeralayda S/land .

halow madaxwayne muuse 3

Madasha xill wareejintu waxay ka dhacaysaa qasriga Madaxtooyada S/land,waa madal kulmisay Madaxwaynihii hirgaliyay Dimuquraadiyada iyo Doorashooyinka S/land mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Sadex Madaxwayne ku xigeen oo Qasriga Madaxtooyada S/land ka soo hawl galay marxalado kala duwan iyo sidoo kale waa munaasibad kulmisay Madax Soomaaliyeed oo xillal Wasiiro ah ka haysa Dawladaha aan Jaarka nahay ee Itoobiya iyo Jabiuuti iyo Safiiro ka socday dawladaha reer Yurub.

muusaa yaabay.

Waxaynu ka xusi karnaa Muuqaalada ku cusub madasha xill wareejintii sadexaad ee Qasriga Madaxtooyada S/land ka dhacay,waxaa aad u kala fogaa Weedhuhuu ka jeediyay Madaxwaynihii hore ee Siiraanyo Todoba Sannadood ka hor maanta oo kale,Mar kale waxay ahayd Madasha xill wareejinta maantu ahayd madal  ay xillka kula kala wareegayaan Laba Madaxwayne oo isku xisbiya kana soo jeeda Xisbiga Kulmiye Sidoo kale ah laba mujaahid oo mid ahaa ragii usoo galmay qaranka Somaliland ,waxaan xusid mudan Madaxwayne muuse biixi yahay  mujaahidkii labaad ee qabta talaa dalka waxayna bulshada S/land iswaydiinaysaa muxuu kaga duwanaan doonaa mmadaxwayne yaashii hore.

Isku soo wada xooriyoo Bulshada S/land waxay iswaydiinaysaa in Madaxwaynaha cusub ee Muuse Biixi Cabdi uu diiwaan galinayo hantidiisa sida uu dhigayo Dastuurka S/land Ee 82 iyo in uu fulin doono Qodobka 85aad ee Dastuurka S/land sida hoos ku cad.

Qodobka 82aad Shuruudaha Qofka loo dooranayo Madaxwayne ama Madaxwayne ku xigeen Faqradiisa Sagaalaad .

9: Waa in uu Hantidiisa Diiwaan galiyaa .

Qodobka 85 aad ee Distoorka Jamhuuriyada S/land,Waxyaabaha ka reeban Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku Xigeenka Faqrada Sadexaad .

3: Hadiyadaha la siiyo Madaxwaynaha iyo Ku Xigeenka Madaxwaynahu iyo Marwooyinkoodu iyo Madaxda Sare ee Qaranka ee leh Maamuus Qaran iyadoo lagu Maamuusayo Xillka ay hayaan waxaa weeyi hanti Qaran .

Ugu dambayn waxaa hubaal ah in ay Bulshada S/land maalmaha soo socda arki doonaan hanaanka hogaamineed ee Madaxwaynaha cusub ee Muuse Biixi Cabdi,iyagoo iswaydiinaya Bulshada S/land Su”aalahan, Muuqaal noocee ah ayay yeelan doontaa dawlada uu soo dhisi doona Madaxwaynaha cusub ee S/land Muuse Biixi Cabdi ? Safarkiisa koowaad dalkuu ku tagi doonaa? Ma ka leexan doonaa dalkuu ka bilaabay Madaxwaynihii hore ee Siiraanyo safarkiisii koowaad? Xukuumada uu soo dhisi doono ma noqon doontaa mid aan ku dhisnayn Jeegaan iyo Laba Beelood ?

 

La Soco Faalooyin Kale Oo Xiiso Badan,

QALINKII QORAA FARXAAN MAXAMED BARKHAD

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS