Mudaharaadyo Rabshado Watay Oo Ka Dhacay Lubnaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mudaharaadyo Rabshado Watay Oo Ka Dhacay Lubnaan
December 10, 2017 - Written by Reporter:

Beyrouth,(W,N)-Ciidamada amaanka dalka Lubnan ayaa u adeegsaday suntan dadka ka ilmeysiisa iyo tubooyinka biyaha tuura, dad badan oo Axadii maanta isugu soo baxay agagaarka safaaradda uu Mareykanka ku leeyahay magaalada Beyruud.

 

Lebanese and Palestinians students, burn a poster of U.S. President Donald Trump as they take part in a protest, in the southern port city of Sidon, Lebanon, Thursday, Dec. 7, 2017. President Donald Trump is forging ahead with plans to recognize Jerusalem as Israel's capital despite intense Arab, Muslim and European opposition to a move that would upend decades of U.S. policy and risk potentially violent protests. (AP Photo/Mohammed Zaatari)

Mudaharaadayaasha ayaa ka cadheysnaa go,aanki uu madaxweyne Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israel.

Dadka isu soo baxay ayaa ruxayay calanka Falastiin, qaarkood ayaa dab qabadsiiyay wadooyinka isla markaana xidhay jidka taga safaarada Mareykanka ee xaafadda Awkar ee waqooyiga Beyrud.

Sabtidii shalayna, wasiirada arrimaha dibada dalalka Carabta ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Qaihor waxay ugu baaqeen Mareykanka inuu ka laabto go,aanka uu Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israel.

 

COMMENTS
LINKS