Mucaaradka Kenya Oo Dib U Dhigay Munaasabada Dhaarinta Madaxtinimo Musharaxoodii Raila Odinga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mucaaradka Kenya Oo Dib U Dhigay Munaasabada Dhaarinta Madaxtinimo Musharaxoodii Raila Odinga
December 11, 2017 - Written by Reporter:

Nairobi,(W,N) – Isbahaysiga Mucaaradka dalka Kenya ee magacooda loo soo gaabsho NASA ayaa dib u dhigay dhaarinta musharaxooda Madaxweyne, Raila Omolo Odinga.

 

20171211636485559817627846received_729880340536649

Dhaarinta  Raila iyo Ku-xigeenkiisa  Kalonzo Mosyoka ayaa lagu waday in ay dhacdo maalinta Salaasada oo ku beegan maalinta Berri ah 12-ka December.

War-saxaafadeed uu soo saaray Xisbiga Mucaaradka ayaa lagu sheegay in dhaarinta madaxtinimo ee hogaamiyaha xisbiga in dib loo dhigay kadib wadatashi la sameeyay heer qaran iyo kuwa heer caalami ahba.

Xisbiga NASA ayaa ka raali geligay taageerayaashiisa dib u dhaca ku yimid dhaarinta Raila Odinga kaa oo lagu waday in uu u noqdo madaxweyne dhulka ay ku badan yihiin mucaaradka ee ku yaala galbeedka iyo xeebta dalka Kenya.

“Waxaan rajayneynaa in aan u balan qaadno dadka Keenyaanka ah in aanan ka tanaasulin go’aankayagi hore. Gaar ahaan waxaan rabnaa in Mar labada aan ku celino in wada hadal heer qaran laga galo ajendaha doorasho cadaalad ah, diyaar u ma nihin awood qaybsi kaligii-talisnimo ah,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Mucaaradka Dalka Kenya ayaa gaashaanka u daruuray doorashadii ka dhacday dalka Kenya bishii Sebtembar ee sanadkan taa oo ay guushu ku raacday Uhuru Kenyatta.

Uhuru ayaa Bishii Novembar loo dhaarshay in uu yahay madaxweynaha dalka Kenya.

Madaxda xisbiga NASA ayaa horaantii bishii la soo dhaafay wacad ku maray in ay Raila Odinga u dhaarin doonaan madaxweynenimada dalka Kenya.

Maalinta salaasada ah ee bisha ay ku began tahay 12-ka December ayuu dalka Kenya u dabaaldagaa Maalinta xurnimada uu ka qaatay gumaystaha dalka Ingiriiska.

Kenya ayaa madaxbanaanideeda ka waayay dalka Ingiriiska taariikhdu markay ahayd 12-kii December 1963.

COMMENTS
LINKS