Maxaad Ugu Codaysay? W/Q: Mustafa Sheekh Cumar Geeddi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaad Ugu Codaysay? W/Q: Mustafa Sheekh Cumar Geeddi
December 20, 2017 - Written by Reporter:

Sida loo hellayo dawladaas hufan iyo hanaanka uu uga gudbiyo carqaladdaha jira iyo Cida ka caawinaysa hirgelinta hamigiisa isaga ayaa

 

11389996_852710121443504_8035290363425533035_n

Haddii aanad ku jirin doortaha Madaxweynaha cusub adigu judhiiba waad gaadhay ujeedkaagii wax diidada ahaa, cidii aad dooratayna waa ay aqbashay natiijaddii soo baxday.

Hadii aad ka mid tahay taageeraha isagu codka siiyayna, waxaa is weydiin mudan marka koowaad inaynu isla garrano maxaad ku dooratay?

Waxaa laga yaabaa in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi aad ka doonaysay oo aad u dooratay inuu qabyo-tiro nidaamka dawladnimo. Taasi oo keeni karta in sharcigu sareeyo ee aanu qofku sarayn. In aan musuqa la isku waanin, balse la iska waaniyo iyo in la hello cadaalad.

Sida loo hellayo dawladaas hufan iyo hanaanka uu uga gudbiyo carqaladdaha jira iyo Cida ka caawinaysa hirgelinta hamigiisa isaga ayaa xaq u leh inuu cugto oo ay u taalaa.. Waase looga fadhiyay/Fadhiyaa inuu is waafajinayo qabiillada iyo Xukuumad casrigan la jaanqaada.

Aan si kale u dhigo, waxaad u dooratay oo aad ka doonaysaa baa laga yaabaa inuu shaqsiyan kuu raali-geliyo, ama inuu beel ahaan kuu raaligeliyo amase inuu ummada danteedda raali-geliyo. Ujeed kasta oo aad u dooratayba xaq baad u lahayd waanad gaadhay ujeedadaadii koowaad. Waxaanan filayaa lama gaadhin waqti aad ka dayriso oo aad ka webiso oo durba shakido. Waa inaad waqti siiyo.

Waxaan sidan u leeyahay, u fiirso, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaa uu magacaabay Gole Wasiiro ah oo u badan dhallinyarro, Dad badan ayaana ka cadhooday haba ugu badnaadeen Xisbiga Kulmiye raggii aadka ula soo shaqeeyay, gaar ahaan Masuuliyiintii Xukuumadii hore’e.

Dabadeed, waxaan xasuustay qoraal dheer oo Cilmi baadhe Aadan Muuse Jibriil kaga hadlay Geeddisocodka Dimuqraadiyadda Somaliland iyo hoggaaminta dhacdooyinka. “Waxaa weli dadkeenna ku adag fahamka faraqa u dhexeeya Siyaasiga iyo khabiirka ama shaqa-dhaadhiga (Technocrats). Labada midna la’aantood dawlad lama dhisi karo. …Siyaasigu waxaa uu qaataa ferker ku salaysan isbeddel bulshada lagu sameeyo. Tignoqoraadkuna waa aqoonta xirfadeed iyo xeeldheeraha wada dawlad casri ah.”

Sidaas hadii ay tahay, sow ma dhici karto in Golahan cusub madaxweynuhu u xushay inay farsammo ahaan u caawiyaan, balse Aanu u dooran inay yihiin dad laga rabo wax ka badan maamul shaqeeya inay hirgeliyaan.

Hadii aad sugi kari weydo, waxaa Qallinku ku leeyahay, odaygu waa uu kuu sheegay in dad badanni fartoodda eersan doonaan. Maaha, inaad ilowddo afeeftii aad u sacabatumaysay. Maaha inaad ilowddo in ummada aad u sheegteen ama laguu sheegay in uu yahay hoggaamiye go’aan leh. Maaha inaad ilowddo in inta badan ee shacbiga ahi ka sugayso inuu wax ka qabto duruufaha qalafsan ee Sarif bararku ka mid yahay oo Kulmiye hore ugu fashilmay haddana aad Is tidhi waqti dheeraad ah bal sii waa intuu saxo wixii qaloocday.

Mustafa Sheekh Cumar Geeddi

 

COMMENTS
LINKS