|
|||||
WAJAALE NEWS
Maraykanka oo ka hadlay Gantaal ay Xuutiyiinta ku rideen Sacuudiga
December 20, 2017 - Written by Wariye:
Meletariga Sacuudiga ayaa waxa ay sheegeen in ay qabteen oo ay soo rideen gantaal ay soo rideen Xuutiyiinta. Gantaalkan ayay Xuutiyiinta sheegeen in ay la bartilmaameedsanayeen dhismo ay boqortooyada leedahay oo shir uu ka socday. Telefishen Xuutiyiinta taageersan ayaa sheegay in gantaalka la yiraahdo Burkan H2 lagu waday shir ka socday xarunta Alyamama ee caasimada Riyadh. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen qarax. sawiro internetka lasoo galiyayna waxay muujinayaan qiiq cirka ka muuqday. Isabahaysiga Sacuudida waxay Dowladda Iiraan ku eedeeyeen inay Xuutiyiinta siiyeen gantaalahan. Balse Dowlada Iiraan ayaa iska fogaysay eedahaasi iyo inay hubaysay jabhada Xuutiyiinta. Xuutiyiinta war ka soo baxay ayaa lagu sheegay in weeraradan ay qaadeen ay uga aargoosanayaan dambiyada uu Maraykanka ka gaysanayo dalka Yemen. Warbaahin taageerta Xuutiyiinta ayaa sheegay in gantaalkaasi Riyadh lagu riday lagu bartilmaameedsanayay shir uu gudoominayay Boqor Maxamed Bin Salmaan oo ah dhaxal-sugaha dalka Sacuudiga. Related posts:Milicsiga Socdaalkii Gabiley ; Profeser Samatar Oo Balan Qaad Afka Ah Ku Taageeray Muuse Biixi Iyo ... DAAWO; Muuqaalo Cusub Iyo Sida Loo Dhibaateeyo Tahriibayaasha Taga Liibiya +Aafada Magafayaasha! La Taliyaha Madaxwaynaha Jsl Ee Arimaha Doorashooyinka Oo Ka Hadlay Isbahaysiga Ay Xisbiyada Mucaari... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|