|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha La Doortay Ee Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wafti Ka Socda Baarlamaanka Midawga Yurub
December 3, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N)- Madaxweynaha cusub ee dhawaan shacabka reer Somaliland doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay wefti ka socda Baarlamaanka Midowga Yurub, kuwaas oo si xoog leh ugu dhaqdhaqaaqa qaddiyadda gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii ay ictiraaf rasmi ah uga heli lahayd beesha caalamka. Weftigan oo ka kooban xubno ka ah xildhibaanno si weyn dunida looga yaqaanno iyo siyaasiyiin caan ku ah ololaha ka midho-dhalinta sidii Somaliland dunida inteeda kale uga heli lahayd ictiraaf buuxa, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xildhibaan James Carver oo ka mid ah Midowga Yurub, lagana soo doorto Gobolka West Midland ee dalka Ingiriiska, xildhibaan Raymond Finch oo Golaha Baarlamaanka Midowga Yurub ka tirsan, kana soo jeeda Gobolka Koonfur-Bari ee dalka Britain, lagana soo doortay xisbiga UK Independence Party (UKIP) iyo Stephen Atkinson oo ah la-taliyaha arrimaha dibadda u qaabilsan xildhibaan James Carver, isla markaana xubin ka ah golaha ay ku bahooheebeen saaxiibada ay Somaliland ku leedahay Golaha Baarlamaanka Midowga Yurub iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Belgium-ka Md. Maxamuud Cabdi Dacar, waxaanna kulankaas Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md. Maxamed Ibraahim Qabo iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Kaysar Cabdilaahi Maxamed. Kulanka ooo lagaga wadahadlay arrimo dhawr ah oo kala duwan, waxa xildhibaannadu halkaasi ku soo gaadhsiiyeen Madaxweynaha cusub hambalyo ay ka sideen guud ahaan Baarlamaanka reer Yurub iyo gaar ahaan dalka Ingiriiska ee ay kasoo jeedaan. Waxa kaloo xubnaha wefiga ahi waxa ay Madaxweynaha cusub ee la doortay ugu bushaareeyeen inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan ka midho-dhalinta qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, iyaga oo shaaciyey inay gacan buuxda ka siin doonaan xukuumadda cusub sidii ay dunida Ictiraaf buuxa uga heli lahayd. Madaxweynaha cusub Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa xubnaha xildhibaannada ah ku bogaadiyey doorka lama ilaawaanka ah ee ay kaga jiraan raacadada loogu jiro ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu ammaanay dadaalka ballaadhan ee ay ka dhex wadaan Golaha Baarlamaanka Midowga reer Yurub dhexdiisa, waxaannu ballanqaaday inuu si dhaw ula shaqan doono, kana saacidi doono wax kasta oo ay uga baahdaan.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warka
https://youtu.be/jlbj4AYRv_A COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|