|
|||||
WAJAALE NEWS
Maayirka Magaalada Gabiley Iyo Dhammaan Xildhibaanada Goluhu Waxay Tacsi U Dirayaan Wasiirkii Hore Warshadaha Somaliland Oo Aabihii Geeriyooday.
December 29, 2017 - Written by Editor:INAA LILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN Maayirka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Mudane Maxamed Amiin Cumar Cabdi isagoo Ku hadlaya Magaciisa iyo Magaca Golaha Deegaanka Gabiley Waxaa Uu Tacsi Tiiraanyo Leh La Wadaagayaa Wasiirkii Hore Wasaarada Warshadaha Somaliland Mudane Shucayb Maxamed Muuse Oo Maanta Aabihii Marxuum Maxamed Muuse Bookh Ku Geeriyooday Dawlad Deegaanka Somalid Ethiopia iyadoo Isla galabta Lagu aasay Marxuumka Deegaanka Albaasa oo Ka Tirsan Kilalka Shanaad ee Somalid Ethiopia. Waxaanay Ilahay uga Baryeen Inuu Janaddii Fardowsa Ka Waraabiyo Marxuumka Ehelkii iyo Dhammaan Qaraabadii Uu Ka Baxayna Samir Iyo Iimaan Ka siiyo.allena uga baryayaan inuu qabriga u waasiyo kana fogeeyo cadaabkiisa. Dhanka kale Masuuliyiinta iyo Hawlwadeenada Shabakada Wararka ee Wajaalenews waxay tacsi taa lamida Udiraya Wasiirkii Hore Wasaaradaha Warshadaha jsl Shucayb Maxamed Muuse Iyo qoyskoodaba Geeridii Naxdinta Lahayd ee ku Timid Aabihii MARXUUM MAXAMED MUUSE BOOKH WAXAANU ILAAHAY UGA BARYAYNAA IN UU JANATU FARDAWSA GEEYO QOYSKII IYO QARAABADII UU KA BAXAY SAMIR IYO IIMAAN SAADIQA KASIIYO AAMIN AAMIN
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|