Lamaane 70 sano wada noolaa oo qasab lagu kala Fogeeyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Lamaane 70 sano wada noolaa oo qasab lagu kala Fogeeyay.
December 20, 2017 - Written by Wariye:

H_99286270_couple3argeisa(wjn):-Lamaane da’ah oo reer Kanada ah ayaa niyad jabay ka dib markii ay ogaadeen in lakala kaxaynayo markii u horraysay muddo toddobaatan sano ah oo ay nolosha wadaagayeen.

Arrintan ayaana ku soo aadaysa toddobaad uun ka hor ciidda masiixiyiinta

Herbert Goodine oo 91 jir ah ayaa loo sheegay in ay qasab tahay in uu ka tago goob lagu xannaanaynayay oo uu wakhti dheer ku noolaa, halkaas oo ay ku wehelisay xaaskiisa Audrey Goodine oo 89 jir ah, waxaana lagu war galiyay in uu aado goob kale oo dadka lagu baxnaaninyo.

_99286269_couple

Goobtan oo ku taalla Perth-Andover, New Brunswick ayaa lamaanahan u sheegay Jimcihii hore in ay qasab tahay in uu Sabtida ama Axadda midkood baxo.

Sheekadoodana dad badaan ayaa ka carooday,

“Markaan waalidkay la hadlay shalay waxaan maqlay hooyaday oo ooyaysa iyo aabahay oo ka ag ooyaya,” ayay Facebook ku soo qortay gabadhooda Dianne Phillips.

“Hooyaday ayaa tiri, ciidda masiixiyiinta ee Christmas-ka kama qaybqaadanayno, waa Kirismaskii ugu xumaa ee nasoo mara, Maxay noogu sugi la’yihiin inta wakhtiga fasaxa lagu jiro?”

Qoraalkaas oo ay facebook soo dhigtay Phollips ayay dadku isla sii wadaageen 15,000 oo jeer.

Phillips ayaa sheegtay in ay soo waceen waaxda dusha kala socota goobaha bixiya daryeelka wakhtiga dheer ayna u sheegeen in ay sii xumaatay xaaladda caafimaad ee aabaheed loona wareejinayo goob ka daryeel caafimaad wanaagsan meesha uu hadda joogo.

Waxay sheegtay markii ay durba go’aan qaadan wayday in waaxdaasi “ay go’aankaas iskood u qaateen kuna qasbeen”.

Waxay sheegtay in loo diiday codsigeedii ahaa in hal toddobaad dib loogu dhigo si ay waalidkeed Kirismaska u wada qaataan.

Qolyihii xanaanaynayayna Facebook ayay jawaab soo dhigeen, iyaga oo yiri “marka dadka aan hayno xaaladdooda aanaan wax ka qaban karin waxaa qiimayn ku sameeya waaxda arrintaas qaabilsan ee dawladda iyaga ayaana go’aan ka gaara, marka waa in aan raacnaa nidaamka iyo sharciga dawladda u yaalla.

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.Net

Wariye Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS