|
|||||
WAJAALE NEWS
La taliyaha amnniga qaran ee Trump oo sheegay inay ka hortagayaan nukliyeerka.
December 3, 2017 - Written by Wariye:Hargeisa(WJN):-Lataliyaha ammniga qaranka madaxweyne Trump ayaa sheegay in Mareykanka iyo xulafadiisa ay si weyn ugu dadaalayaan la tacaalida mushkilada niyuulerka Kuuriyada Koonfuteed ka hor inta aysan ku guuleysan hamigeeda barnaamijka niyuuklerka. H-R McMaster oo ka hadlayay kulanka wasaaradda gaashaandhiga oo ka dhacay California ayaa digniin ku bixiyay in suuragalnimada dagaal lala galo Kuuriyada Koonfureed uu maalin kasta soo kordhayay. H-R McMaster, ayaa intaasi ku daray in ay jireen qaabab kale oo lagu wajihi karo dhibaatada oo ka dhaaw gacan ka hadal hubeysan. Waxa uuna ugu baaqay Shiinaha inay kusoo rogaan xayiraad guud oo dhanka shidaalka ah Kuuriyada Waqooyi, si Pyongyang ay ugu adkaato shidaal u helida gantaalada ay tijaabineyso. Kuuriyada Waqooyi ayaa ku eedeysay Mareykanka inuu yahay dagaal huriye.
Hargeisa Office Wajaalenews.net Wariye:Abdiqadir Habane Related posts:Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Wakiillo Ka Mid Ah Guddiyadii Ololaha KULMIYE Ee Gobollada... Wasiirada Arrimaha Debadda, Warfaafinta Iyo Caafimaadka Oo Waftiga Madaxweynaha Kaga Biiray Dalka Im... Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Sheegay In Aan La Iibin Karin Dhulka Xaafada Iidaan Ee Dhawaan La Daj... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|