|
|||||
WAJAALE NEWS
Khaliil Miyaanu Ahayn Kii Kiniisada Furay Awal? Sanadka Cusub Iyo Kiniisada Iyamaa Daran?
December 31, 2017 - Written by Reporter:Maya ee waxa sharci ah luuqad sharci oo la soo unkay, la ga baaraan-degay, la dheefshiiday, golayaasha sharciga la mariyey, la ga dooday, sharci yaqaanno loo xilsaaray, dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka la la doontay, dib golaha loo gu soo celiyey, cod loo qaaday, la meel mariyey, aqalka sare loo soo gudbiyey, la sii daayey oo la waafaqay, dabadeedna Madaxweyne saxeexay oo qalinka uu ku duugay.
Umadda dawladnimo doonka ahi jidkaa sharci ayey u raacdaa xeerarka iyo qawaaniinta ay rabto in ay isku dhaqdo. Dikreeto Madaxweyne oo aan sharciga waafaqsaneyni xeer iyo xalaal toona ma aha. Hadal uu wasiir idaacad ka sheegayna waa hadal caadi ah oo aan sharci dawladnimo ku fadhiyin. Wixii dalka la gu xukumayo iyo awaamiirta dawliga ah ee qaranka la gu wanaajiyaa sifo sharci ah keliya ayey u soo fulaan.
Hadalka wasiir Khaliil sheegay ee ah in meheradaha ganacsiga la xidho, caruurahana suuqa timaha la ga ga xiiro – isaga oo mushaharada bisha miilaadiga ku qaata – noloshiisuna ay ku seetaysan tahay taariikh miilaadi – halka askariga dhallinyarada sharci-darrada madaxa kaga xiirayaa uu diinta iyo nebiga caayayo waxa aan leeyahay mid meel gaadhaysa ma aha – siyaasaddii xisbiga Kulmiye na meel ay kaga jirtay ma jirto. Haddii se hadda la jeclaaday ma ba xuma e, sharciga uun waafajiya!
Qalinkii: Mohamed Hagi Mohamoud Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|