Israa’iil oo qorshaynaysa in ay Qudus ka dhisto khad tareen oo “Trump Loogu Magacday” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Israa’iil oo qorshaynaysa in ay Qudus ka dhisto khad tareen oo “Trump Loogu Magacday”
December 28, 2017 - Written by Wariye:

Boosteejada tareennada laga raaco ee laga samaynayo agagaarka darbiga ay Yuhuuddu barakaystaanna loogu magac dari doono Donald Trump.

Yisrael Katz ayaa sheegay in uu doonayo in uu ku sharfo madaxweynaha Maraykanka go’aankii uu ku aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

Darbiga Western Wall ayaa ah goobta ugu barakaysan ee Yuhuudda, waxaana loo ogol yahay in ay ku cibaadaystaan.

Khadkan tareen ee cusub ee la qorsheeyay iyo boosteejada tareenka laga raaco ayaa qayb ka ah ballaarinta tareenka xawaaraha dheer ee Tel Aviv kaas oo la qorshaynayo in la furo sannadka soo socda.

Qoditaanka ay Israa’iil ka wado agagaarka dhismaha Masaajidka Qudus ayaa horay u sababtay mudaaharaadyo ay Falastiiniyiintu dhigeen.

Hay’adda dhaqanka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Unesco ayaa iyadana qaybta qadiimiga ah ee magaalada u aqoonsan Dhaxal A

Katz oo la hadlay wargayska Yedioth Ahronoth ayaase sheegay in ballaarinta khadka tareenka ee isku xira Tel Aviv iyo Qudus uu yahay “hawsha ugu muhiimsan ee qaran ee u taalla wasaaradda gaadii_99386830_1f5b2359-f14f-4f07-b8b8-88c272550783dka”.

Wuxuu intaas ku daray in uu meelmariyay tallooyin ay u keeneen guddida Tareennada ee Israa’iil kaas oo khad tareen oo 3km ah oo dhulka hoostiisa mara lagaga dhisayo inta u dhaxaysa Binyanei HaUma iyo Western Wall aagaas oo qayb ka ah dhulka ay Israa’iil haysato ee Bariga Qudus.

 

Abdiqadir Habane

WAJALENEWS.NET

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS