Idaacada BBC-da Qaybteeda La Hadasha Afrika Oo Barnaamij Maad Ah Ku Soo Bandhigtay Sababta Afrika U Diiddan Tahay Aqoonsiga Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Idaacada BBC-da Qaybteeda La Hadasha Afrika Oo Barnaamij Maad Ah Ku Soo Bandhigtay Sababta Afrika U Diiddan Tahay Aqoonsiga Somaliland.
December 25, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa, -(W,N) – Waraysi sheeko ah oo ay Barnaamijka BBC-da ee caanka ah ee loo yaqaan Focus on Afrika ayaa ka allifay Doorashooyinkii u dambeeyay ee Somaliland.

Afrika

Barnaamijkan oo maad ah oo la yidhaahdo Kibarkingmad ayaa ah mid maqal ah, Waxaanu ku saabsan yahay sheeko dhexmaraysa laba Nin oo  iswaraysanaya.  Kuwaasi oo ku jilaya sheekadaasi magacyada Jeey iyo Ulusho. Ulusho oo aan waxba kala socon arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaana loo warramayaa.

Jeey: Waad guuleysatay Muuse Biixi Cabdi

Ulusho: Weligayba maan maqal ! Ma ciyaartoygii kubadda Cagta ee Afrikaanka ugu khatarsanaabaa

Jeey: Maya

Ulusho: Ma dambiile dagaalbaa ?

Jeey: Maya

Ulusho: Hadda ma orodyahan baa ?

Jeey: Maya

Ulusho: Haddaa bal I sug aan qiyaasee, haddaa dabbaal  Afrika dhan ku soo wareegtay ayuu sameeyay ninku ?

Jeey: Ha noqon Nacas Ulusho Shambo

Ulusho; Haddaa ma Afrikaankii ugu horreeyay ee fuulay buurta Everest-baa

Jeey: Muuse Biixi Cabdi waa Madaxweynaha cusub ee Somaliland

Ulusho; Ma dhabbaa?

Jeey; Haa, waa Madaxweynahoogii shanaad

Uluso; Weli lamaan kulmin mid qudha oo Madaxweyneyaashoodaasi ah

Jeey; Waa dhab, waxay u muuqdaan inay yihiin dad inaga fog

Uluso; Ma waxaad leedahay meelo dhaw laguma arko, oo weligaa miyaanad ku arag shirarka Afrika?

Jeey: Haa, waayo weligoodba laguma marti-qaadin

Ulusho: Waayo, ma dadkay ka dhidid qadhmuun yihiin mise aadbay u fool xun-xun yihiin?

Jeey: Sababtu waxa weeyi Midawga Afrika may aqoonsan Somaliland

Ulusho: Waayo, ma aadbay u yar tahay, mise waa wax-ma-haysato?

Jeey: Maya, waxa loo aqoonsan waayay, Somaliland waa dalka gooni-u-goosad ah, Midawga Afrikana ma aqbali karo, wax gooni u goostay, Somaliland-tuba waxay ka dhalatay fadqallaladii dagaalladii Sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay. Waxaanay go’aansadeen inay dhankooga iskaga dhaqaaqaan.

Ulusho; Haye, oo siday u soo socdeen markaasi?

Jeey; Haa sidoodaas ayay iskaga soo joogeen 25 sannadood, iyagoon aqoonsi haysan.

Ulusho: Oo waayahee sidaasi loola dhaqmay ma saxbaa?

Jeey; Haa, haddaynu dhiirigalino mid kastoo gooni-u-goostay, is waydii waxaynu haynaa kumanaan Zaambiyaan ah, kuwo reer Lisooto ah, qaar reer Iswasiland ah, intuba aad bay u yar-yihiin,

Ulusho; Aad bay u yartahay Sida Iswasiland miyaa, oo meelaha yar-yari rejo malaha ay dalku noqdaan miyaa?

Jeey; Somaliland sidaasi uma sii yara, inay ay faqiirtahay ayaa laga yaabaa.

Ulush; Intaabay ka joogaan markay ku dhawaaqeen madaxbanaanidoodii ayaad tidhi?

Jeey; 25 sannadood

Ulusho; oo waxa jooga Madaxweynahoogii shanaad imika

Jeey: Haa

Ulusho: waa wax laga xumaado !

Jeey; Oo waliba ku darsoo mid kastaaba doorasho nabada oo dimuqraadiya ayuu xilka ku qabtay.

Ulusho; Cajiib, waa wax lala yaabo

Jeey; Haa, waxay galeen doorasho 80% ay dadkoogu intii codayn karaysay ay ka qayb-galeen, waana dalkii ugu da’da yaraa ee qabsada doorasho  codbixiyayaasheeda diiwaangashan lagu aqoonsanayo bu’da indhahooga

Ulusho: Haa, balse hal xisbi uunbaa isku cammiray oo tar-tanka qabsada soo maaha?

Jeey: Mayee saddex xisbibaa talada ku tar-tama

Ulusho; Saddex xisbiyaa, oo markaa imisa maxbuus siyaasadeed ayaa la hayaa imika?

Jeey; Maan maqal wax siyaasad loo xidhay

Ulusho; Haddaa naga daa taasaa sheegaysaa wax walba, Sababta uu Midawga Afrika u aqoonsan waayay waxa weeyi,  dee Somaliland ma aha dal Afrikaan ah oo sax ah, Doorasho xilliyaysan oo aan lagu murmin, oo aan lahayn maxaabiis siyaasadeed, oo aanay jirin cid naftooda la baxsanaysa,Muxuu ahaaabaa tidhi Madaxweynahoogu?

Jeey; Muuse Biixi Cabdi’

Ulusho; I sug aan la taliyo Muuse Biixi Cabdiye, Waxaan ku odhan lahaa Muusoow , haddaad doonaysid in Walaalnimada Afrika Ku soo biirto, Kuwa kasoo horjeedsada qaarkood xabsiga u dir, ku shubo doorashada soo socota, balaayiin doolar xad oo ku shubo bangiyada Iswisarland.

Wareysigan sheekada ah oo uu baahiyey Barnaamijka Focus on Africa ee Idaacadda BBC-da waxa Af Soomaali idiinku soo tarjumay Wargeyska Himilo.

COMMENTS
LINKS