Hargeysa: Xarunta SAHAN Oo Munaasibad Ku Sagootiday Dad Ka Bogsaday Xanuunnada Dhimirka, Oo La Baray Xirfado Ay ku Shaqo Tagaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hargeysa: Xarunta SAHAN Oo Munaasibad Ku Sagootiday Dad Ka Bogsaday Xanuunnada Dhimirka, Oo La Baray Xirfado Ay ku Shaqo Tagaan
December 8, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N) –  Xarunta SAHAN ee lagu Daweeyo, laguna daryeelo Dadka Qaba Xanuunnada Dhimirka ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa Khamiistii lagu qabtay Munaasibad loo sameeyay Arday inta halkaa lagu daweeyay la baray Xirfadda Dawaarka, si marka ay Bulshada dib ugu noqdaan ku shaqeystaan.

Sahan 7

Munaasibadda Qalin-jabinta oo ay barbar socotay Dhismayaal cusub oo xarunta SAHAN lagu soo kordhiyey, ayaa waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Masuuliyiin kale oo door ah.

sahan 4

Agaasimaha Guud ee Xarunta SAHAN Kayse Xasan oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa faahfaahiyey waxyaabaha ay culayska saaraan SAHAN ahaan, waxaanu yidhi “Sahan ahaan waxyaabaha aanu culayska saarnaa Qaybta Farsamada Gacanta, sida Laydh gelinta, Biyo-gelinta, samaynta Qalabka Guryaha (Furniture) iyo Dawaarka oo Maanta inta Qalin-jabinaysaa barteen, sababtuna waa in aanu barno Xirfado Shaqo Dadka halkan Alle Caafimaadkooda ugu soo celiyo.”

Sahan 6

Sahan 5

Maamulaha guud ee Xarunta SAHAN Bashiir Maxamed Jaamac oo isaguna si qoto-dheer uga warramay marxaladihii kala duwanaa ee Xarunta SAHAN soo martay muddadii ay jirtay.

Sahan 12

Bashiir wuxuu ka warramay in Madaxweynaha Somaliland ee xilka ka sii degaya iyo Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi ay qayb ka qaateen Xarunta SAHAN sidii ay Cagaheeda iskugu taagi lahayd, isagoo xusay in haddana mar walba Dawladda ka rejaynayaan inay door Shariif ah ka qaadato Horumarinta Xarunta SAHAN oo Gacanta ku haysa Dad gaadhaya 602 Qof oo dhammaantood qaba Xanuunnada Dhimirka, kuwaasi oo lagu dedaalayo sidii loo daaweyn lahaa.

Sahan 9

Bashiir waxa kale oo uu ka warramay dhibaatada Dadka Xanuunsanaya ee Suuqyada Dalka joogaa la kulmaan Xilliyada dhaxanta iyo Ramadaanta oo kale, maaddaama oo Ramaantana aanay jirin meel ay wax ka cunaan, dhaxantana ka galaan, sidaasi darteed loo baahan yahay in loo gurmado Dadkaasi “Haddaan Dadkaa aad loogu dedaalin waxa imanaysa dhibaato, innagana waxay innagu noqonaysaa Cuqubo iyo inkaar.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanaan iloobi karin Sheekh Aadan-Siiro oo Door wyeyn ka qaata sidii Xarunta SAHAN ay lugaheeda iskugu taagi lahayd, waxaanu Sheekhu hawshaa u wadaa ILAAHAY dartii isagoon Cidna waxba kaga doonayn.”

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo isagu Xaruntan Dhagax-dhigay Sannadkii 2008-dii oo la aasaasay, ayaa hadal uu halkaa ka jeediyey ku yidhi “Ninku marka uu sidaa Maanta oo kale u bogsado ee uu Mushtamaca ku noqonayo waa inuu jiraa Qorshe lagu celinayo, si aanu halkii hore uga bilaabin.”

Sahan 11

Axmed Yuusuf Yaasiin wuxuu amaanay Maamulka Xarunta SAHAN “Ragga ku dedaalay ee halkaa soo gaadhsiiyey ILAAHAY khayr ha siiyo, ciddii ka qayb-gashay in SAHAN halkan soo gaadhana ILAAHAY khayr ha siiyo, Tallaabo weyn ayay qaadeen, waxaan leeyahay ha laga sii kordhiyo, gacana hala siiyo.”ayuu yidhi.

Sahan 8

 

Waxa igaguna halkaa ka hadlay Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa, kuwaasi oo dhammaantood amaanay sida ay u shaqeyso Xarunta SAHAN ee lagu hayo Dadka Qaba Xanuunnada Dhimirka “Macalimiin ahaan waanu iska busaaradsan nahay, laakiin waxaanu ballan-qaadaynaa wixii buug ah, wixii Qalin ah iyo inaad bilaa Lacag ku qaaddaan Imtixaanka.”ayuu yidhi, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud Gadh-weyne).

Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Xanuunnada Dhimirka Dr. Mustafe oo halkaa ka hadlay ayaa dardaaran u jeediyey Dadka halkaa lagu daweeyay ee ka qalin-jabiyey xirfadihii la baray “Waxaan idinkula dardaarmayaa in sida aad Maanta tihiin aad noloshiina ku sii waddaan oo aad iska daysaan balwadaha Qaadku ka mid yahay.”

Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Hargeysa Dr. Askar oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in laga hor-tagi karo Xanuunnada Dhimirka, haddii la raaco Jidka saxda ah ee nolosha.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) oo ka mid ah Dadka doorka weyn ka qaata hawlaha Xarunta SAHAN Ummadda u hayso oo halkaa ka hadlay ayaa bogaadiyey Maamulka sare ee Xaruntaasi “Mahadda ILAAHAY ka sakow, waxaan u Mahad-naqayaa Maamulaha Xarunta SAHAN Bashiir Maxamed Jaamac oo Xaruntan Hoggaamiyaheeda ah iyo bahda Khayrka badan ee Shaqaalaha ah ee Carruurteena u soo jeeda. Dadkeena kuwa ugu lacagta badan ayay halkan Carruurtoodu ku jirtaa, Waayo? Qof hayn karaya Qof xanuunsanayaa ma jiro.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan leeyahay Meeshan ha loo soo gurmado, waa tii Jannada lagu tagayey ee ILAAHAY loogu dhawaanayey.”

Sahan 10

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Cabdi Daahir Camuud oo isaguna gebogabdii halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Xarunta SAHAN u baahan tahay in hoos loo eego oo wax lala qabto “Dugsigani maaha Dugsi la dhayalsado, markaa wax la isku dayi doonaa in ugu yaraan Laydhka iyo Biyaha la qaabilo.” Ayuu yidhi, Wasiiru-Dawluhu.

Ugu dambayn, waxa Shahaadooyin la guddoonsiiyey Rag dhallinaro u badnaa oo inta Alle Caafimaadkooda u soo celiyey la baray Xirfadda Dawaarka, si marka ay suuqa dib ugu noqdaan ugu shaqaystaan. Waxaana Masuuliyiintu xadhigga ka jareen dhismayaal cusub oo lagu soo kordhiyey Xarunta SAHAN ee lagu daweeyo Dadka qaba Xanuunnada dhimirka, laguna tababbarro.

Wajaalenews Desk

Hargaysa Office

Email;wajalenews@gmail.com

 

 

COMMENTS
LINKS