Hanti Dhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Golaha Wakiilada Hor Yimi Kana Hor Akhriyay Xisaab Xidhka Miisaanadii 2016-kii | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hanti Dhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Golaha Wakiilada Hor Yimi Kana Hor Akhriyay Xisaab Xidhka Miisaanadii 2016-kii
December 25, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Hanti dhawraha guud ee Qaranka Somaliland Md Saciid Saleebaan Mire ayaa saaka hor yimi golaha wakiilada Somalilad,kadib markii xildhibaanada golaha wakiiladu ay codsadeen in u golaha hor yimaado hanti dhawraha guud ee Qaranku.

Fadhi ay saaka iskugu yimaadeen xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa uu hanti dhawruhu xildhibaanada ka hor akhriyay warbixin ku saabsan xisaab xidhkii miisaaniyada dawlada dhexe ee sanadkii hore ee 2016-kii iyo waliba halka ay marayaan hawlaha shaqo ee xafiiska hanti dhawraha guud ee Qarankka Somaliland.
Waxaana hanti dhawraha guud ee Qaranka Somaliland Oo Golaha Wakiilada Hortooda ka akhriyay warbixin ku saabsan xisaab xidhkii miisaaniyada dawlada dhexe ee 2016-kii.

Ugu Danbayna xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ee saaka fadhgaasi xaadirka ku ahaa ayaa waxay su’aalo ku s aabsan miisaaniyadii dawlada dhexe ee sanadkii 2016-kii iyo walba shaqada uu qaranka Somalilad u hayo ay ku waydiiyeen hanti dhawraha guud ee Qaranka Somaliland Siciid Saleebaan Mire,isaga oo dhankiisana hanti dhawruhu jawaabo ka bixiyay su’aalahaasi

Halkan hoose ka daawo muuqaalka Warka

COMMENTS
LINKS