Gurigii Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Gudaha Hargeysa Ku Shuf Beelay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gurigii Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Gudaha Hargeysa Ku Shuf Beelay
December 4, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Waxa magaalada Hargeysa ku shuf beelay oo dab ku qabsaday gurigii uu magaalada Hargeysa ka daganaa wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.
Guriga ayaa gabi ahaanba waxa ku shuf belay hantidii dhex taalay sida la sheegay,waxaana ciidanka dab-damiska Hargeysa ay dadaal badan bakhtiiyeen dabkii gurigaasi ka baxayay.

 

BREAKIN-NEWSes
Warbaahin isku dayday inay duubto dabkan qabsaday guriga ayaa ciidamo dheeraad ah oo lagu soo daadiyay guriga wasiirku waxay ay gabi ahaanba ay warbaahintaasi kala wareegeen qalabkii ay ku shaqaynayeen,waxaana sidoo kale ay xidheen qaar kamid ah warbaahinta oo markii danbe lasoo daayay.
Sababaha gubay gurigan ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan,waxaana xogahan ay sheegayaan in guriga uu ku gubtay shoolad ku qaraxday.
Sidoo kale Warbaahinta lamay hadal ciidanka dab-damiska iyo wasiirka madaxtooyadu toona,waxaana afaafka hore ee guriga lagu soo daadiyay ciidan tiro badan.

 

COMMENTS
LINKS