|
|||||
WAJAALE NEWS
Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub Oo Shirkii Ugu Horeeyay Yeeshay Iyo Madaxwayne Muuse Biixi Oo Shir Gudoominayay
December 16, 2017 - Written by Reporter:Hargaysa(W,N)-Kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda cusub oo uu shir gudoominayey Madaxwaynaha JSL Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxaa lagaga wada hadlay arrimo dhawra. Kulankaas waxaa ka qayb galay 31 xubnood oo ka mida 32-ka xubnood ee golaha wasiiradu ka kooban yahay. Madaxwyne Muuse Biixi Cabdi waxuu kalfadhigaa ka sheegay in xukuumaddaan hiigsigeeda uu saldhig u yihiin Balanqaadyadii iyo Barnaamijkii Xisbigu ku galay ololaha iyo Qorshaha horumarinta Qaran ee labaad (NDPII) Kulankaa ugu horeeyey oo qaatay muddo saacado ah, wuxuu ahaa kulan isbarasho iyo is xog waraysi. Madaxwaynuhu wuxuu si gaara hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay Muwaadinimada wada jirka ummadda aynu masuulka ka nahay, isagoo Golaha faray in juhdi iyo dadaal midaysan loo galo sidii umadda loo midayn lahaa, loogana saari lahaa xanaftii ka dhalatay tartankii ololaha doorashada. Haddaba, fadhigii koowaad ee uu yeesho golaha wasiirada cusub maanta oo ay taariikhdu tahay 16.12.2017, uuna shir Guddoominayey Madaxwaynuhu waxaa lagu go’aamiyey qodobadan soo socda; 1. Waxaa dhamaan golaha lagu dhaariyey inay ilaashaan sirta golaha wasiirada iyo ta qarankaba. Related posts:Somaliland Si Hagar La’aan ah Ayay Dhinaceeda U Wada Fulisay Qodobadii Heshiisyada Dekedda & Saldhig... “DP World Waxaan Dekeda Ugu Wareeginay Inaan Wax korodhsano, Dalkana Maanu Xaraashayn, Ummadana Maan... DAAWO;-Dadwaynaha Ku Dhaqan Deegaano Katirsan Degmada Geed Balaadh Oo Madaxwayne Biixi Ugu Baaqay In... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|