|
|||||
WAJAALE NEWS
Gashaantidii Nolosha Iyo Geerida’ Oo Xabsi Lagu Xukumay Dalka Bosnia
December 28, 2017 - Written by Wariye:
Azra Bašić ayaa lagu helay dambiyo ay gaysatay intii uu socday dagaalkii Balkan-ka, kuwaas oo ay ka mid yihiin jirdil ay u gaysatay shacabka qowmiyadda Serb. Xaakimka ayaa sheegay in Bašić ay mas’uul ka ahayd “cadowtinimo gaar ah” oo lagula kacay dadkii ay soo xireen ciidammada Croat-ka Bosnia. Xukunka lagu riday Bašić ayaa ah kii ugu xanuunka badnaa ee madaxa loo galiyo haweeney loo haysto inay gaysatay gaboodfallo intii uu socday dagaalkii Bosnia. Bašić, oo ah 58 jir horay uga tirsanaan jirtay ciidammada Croat-ka Bosnia ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaadatay jirdil loogeeytay shacabka qoomiyadda Serb. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay si isdhaaf ah u xirxiri jirtay maxaabiista, nin ka mid ah maxaabiistana ay ku qasabtay in uu cabo shidal ka hor inta aysan dab ku shidin gacmihiisa iyo wajigiisa, kuwa kalana waxa ay ku qasabtay in iyagoo qaawan ay ku dhex guurguurtaan dhalooyin jajaban. Dambiyada ugu khatarsan ee ay gashay ayaa ahaa dilka maxbuus ay qoorta toori ka galisay, sida uu sheegay xaakimka maxkamadda Bosnia.
Hargeisa Office Wajaalenews.Net Wariye:abdiqadir habane Related posts:Daawo:Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Hambalyo U Diray Umad Waynaha Islaamka Curashada Sanadka ... "𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 W𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐚 Q𝐚𝐫𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐜𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐚𝐲𝐬𝐦𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐥𝐨 𝐱𝐮𝐦𝐨 𝐤𝐚 𝐭𝐢𝐦𝐢𝐝 𝐫𝐞𝐞𝐫 𝐂𝐞𝐞𝐥 𝐀𝐟𝐰𝐞𝐲𝐧, 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧𝐚 𝐮𝐮 𝐚𝐡𝐚... War Deg Deg Ah: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hada War Saxaafadeed Soo Saarey, Kagana Hadlay, Ergadii Ga... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|