|
|||||
WAJAALE NEWS
Fariin caafimaad: Kawaanka Caasimada Oo Ay Aad U Hooseyso Nadaafadiisa Guud
December 14, 2017 - Written by Reporter:Waxa kale oo loo baahanyahay in shirkada masuulka ka ah kawaanka qalinka xoolaha caasimadu in ay xil balaadhan iska saaran nadaafada
Kawaanka caasimada oo ay aad u hooseyso nadaafadiisa guud hanoqoto nadiifinta goobaha qaliinka loogu talo galay sida kawaanka geela iyo loda madaama ay jabtay mishinkii loogu talo galay diyaarinta biyaha kulul oo loogu talo galay nadaafada kawaanka sidoo kale waa in loo isticmaala waqtiga nadaafada madada chlorine oo runtii qayb laxaad leh ka qaadata nadaafada kawaanka iyo la dagaalanka noolaha keeni kara cuduro laga qaado qalinka xoolaha waqtiga lagu guda jiro qaliinka xoolaha oo ah subaxa hore Waxa kale oo loo baahanyahay in shirkada masuulka ka ah kawaanka qalinka xoolaha caasimadu in ay xil balaadhan iska saaran nadaafada weelka hilibka xoolaha loogu qatay waqtiga qalinka kadib sidoo kale waa in ay kor u qaadan nadaafada gadiidka qalinka hilibka xoolaha loogu qaado bulshada xoolaha loogu qalay kawaanka caasimada Waxa meesha ka baxday in aan la baadhin caafimaad qabka xoolaha lagu qalayo kawaanka xoolaha sida dr wasaarada xanaanada xoolaha iyo wasaarada caafimaadka qaybteeda public health section si loola socdo in xoolaha la qalay ay fayoqabaan cunista hilibkooda waa in ay ku cadahay warqada cadaynta baadhista caafimaadka hilibka lagu qalay kawaanka maadama xoolaha qalinka caasimadu uu aad u badan yahay Waxa ta kale meesha ka baxday in dadka xoolaha qalanaya in ay ka xidhaan waqtiga qalinka gloves iyo dress loogu talo galay si aanay uga qaadin dhiiga qalinka xoolaha cudurka Brussels ama toxoplacemosis oo ku keeni kara dumarka xoolaha ku qalanaya kawaanka cudurka dhiciska haweenka Isku soo wada gee shirkadii masuulka ka ahayd nadaafada goobta qaliinka oo hoos u dhigtay hawshii ay u xilsaarnayd ee nadaafada kawaanka iyo fayo qabka hilibka aynu cuno taasna waxa masuuliyadeeda iska leh wasaarada caafimaadka oo ka seexatay in ay kormeer joogto ah ku samayso goobta qalinka caasimada
WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan Fayo-dhawre madax bannaan
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|