Dunida Muslimka oo dibadbaxyo uga jawaabtay go’aankii Trump ee Magalada Qudus. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dunida Muslimka oo dibadbaxyo uga jawaabtay go’aankii Trump ee Magalada Qudus.
December 8, 2017 - Written by Wariye:

qudusHargeisa(Wjn):-Xoogagga Israa’iil ee ku sugan deegaanada ay xoogga ku haystaan ee Daanta Galbeed ayaa ka hor tagaya Falastiiniyiin dibad baxayaal ah oo ka careysan go’aankii Trump uu Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa’iil.
Dadka isu soo baxay ee Baytullaxam ayaa dhagxaan ku tuuraya ciidamada, waxaana loogu bedelayaa gaaska dadka ka ilmeysiiya. Waxaa jiro warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dad ay ku dhaawacmeen rabshadaha.
Xiisadda Daanta Galbeed iyo Qudus ayaa aad u kacsan ka dib markii hoggaamiyayaasha Falastiin ay ku baaqeen in la isu soo baxo.
Shaacintii Donald Trump waxaa soo dhoweysay Israa’iil, balse waxaa si adag u cambaareeyay dowladaha Carabta iyo kuwa Islaamka.
Xulafada Mareykanka ee reer Galbeedka ayaa sidoo kale ka soo horjeestay tallaabadaasi Trump oo ah in Mareykanka uu ka weecday siyaasadda arrimaha dibadda ee soo jireenka ahayd ee la xiriirta in dhexdhexaad laga ahaado arrimaha Qudus.
Israa’iil ayaa markasta u arakto in Qudus ay tahay caasimaddeeda halka Falastiiniyiinta ay sheegayaan in Bariga Qudus ay tahay caasimaddooda mustaqbalka, halkaas oo Israa’iil ay ku qabsatay dagaalkii lixda maalmood ee 1967-dii.

COMMENTS
LINKS