|
|||||
WAJAALE NEWS
Dilkii la daboolay ee Benazir Bhutto iyo Cidii Ka Dambaysay
December 27, 2017 - Written by Wariye:
Bhutto waxaa dilay wiil 15 jir ah oo lagu magacaabo Bilal, 27-kii bishii Diseembar, 2007-dii. Bilaal ayaa toogasho ku dilay Bhutto ka hor intii uusan isaga is qarxinin, waxaana la sheegay in ay soo direen kooxda Talibaanka Pakistan. Waxa ay markaas kasoo baxday isu soo bax weyn oo olole siyaasadeed ah, oo ka dhacay magaalada Rawalpindi.
Benazir Bhutto waxa ay ahayd gabadha uu dhalay Zulfikar Cali Bhutto, ra’isulwasaarihii ugu horeeyay ee si dimoqoraadi ah loo doortay dalka Pakistaan, kaas oo isna ay xukun dil daldalaad ah ku fuliyeen militariga af gambiga kula wareegay Pakistan ee madaxweyne Jeneraal Siya Ul Xaq.
Labo jeer ayay Ra’isulwasaare ka noqotay Pakistan Bhutto, balse markasta waxaa xilka ka qaadi jiray militariga oo aanan iyada ku kalsoonayn. Markii la dilayay waxa ay isku dayaysay in ay markii seddexaad qabato xilka ugu sareeya dalka, balse dilkeeda ayaa waxa uu horseeday kacdoon dadweyne oo aad u balaaran.
Abdiqadir Habane Wajaalenews.net Hargeisa Office Related posts:Dawlada Sucuudiga Oo Dalkeeda Ka Mamnuucday In Ay Soo Galaan Muwaadiniinta 20 Dal Iyo Sobobta! Daawo:Nuxurka Khudbad Uu Saaka C/raxmaan Ciro Ka Jeediyay Shirkii Sonyo Oo Ay Xilka Kula Kala Wareeg... Wasiirka Duulista Somaliland Oo Ka Hadlay Natiijada Wada Hadal Somaliland Iyo Somaliya Ka Yeesheen M... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|