|
|||||
WAJAALE NEWS
Dadkeena In Dawladnimada Dugsiyada Lagu Baro Miyaanay Aad U Haboonaateen?..W/Q: Maxamed Hagi
December 24, 2017 - Written by Reporter:Dadkeenna in dawladnimada dugsiyada la gu baro miyaaney aad u habboonaateen xataa haddii ay yihiin kuwa wax yaqaan oo iskuul tagey? Sida tan waxa aan u leeyahay fahamka dawladnimadu umaddeena waa ku bir iyo dhagax mugdi iyo habow daranna waa la ga ga jiraa! Tusaale ayaan idin siinayaa; Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu xilka Madaxweyne kaga ekaa 13.12.2017. Isla maalintaa waxa xilka Madaxweyne-nimo la wareegay oo loo dhaariyey Madaxweyne cusub. Saw markaa in qofka garaadka fiican ee caqliga la saaxiibka ahi amma aqoon lihi ma aha in uu fahmo in gabi ahaan xukuumaddii amma golihii fulinta ee Axmed Siilaanyo uu xilku si wadajir ah u ga dhammaaday 13.12.2017, in dawlad cusub oo xilka la wareegtana ay tahay in la soo dhiso? Ma in la la yaabo in dawladdii 14.12.2017 la soo dhisay xilka la wareegto ayey ahayd? Saw xilkii xukuumaddii hore kama uu idlaan sharciyan 13.12.2017? Waa maxay sharciyadda ay ku sii joogayeen ee ay u sugayaan inta la ga ansixinayo wasiirrada cusub ee ay xil qaran ku sii haynayaan wasiirrada muddo dhammaystay? Dawladnimadu se ma oggoshahay ‘Vacuum’? Kuwa ku andacoonaya weli xukuumadda cusubi sifo aan sharci ahayn ayey xilka u la wareegtay ee aan hayn qodob sharci ah oo ay daliishadaan – sidoo kalena aan dhaqanka dawladnimadu ay leedahay aad u fahmin ee xildhibaanno iyo garyaqaanno leh waxa aan leeyahay idinka ayaa u baahan in dawladnimada qudheeda aad fahamtaan. Waa yaab iyo ammakaag iyaba e, miyuu caqligu ku siin waayayaa oo ay garashadaadu jawaaab u waayeysaa in aad yaqiinsato in dawladdii hore ay ka dhammaatay 13.12.2017 qasabna ay tahay in dawladda cusub ee shacabku soo doortay ee Madaxweynuhu wakiilka ka yahay in ay la wareegto dawladnimada si aaney u dhicin bannaanaan xil (vacuum)? Madaxweynuhu marka la ga yimaaddo hoggaaminta qaranka waa madaxa hay’adda qaran ee fulinta amma xukuumadda. Shacabku waxa uu u wakiishay in uu dawladnimada socodsiiyo. Tallaabada ugu horraysa ee uu qaadaa waa dhisidda xukuumad cusub oo xilka kala wareegta xukuumaddii uu wakhtigu ka dhammaaday. Waar ma intaa ayey garan waayeen sahalka ah? Anigu waxa aan ku talin lahaa sida tani si ma aha e, dadkeenna dawladnimada ha la maan baro. Waxa aan sida tan u leeyahay qof wax qoraya oo wax akhrinaya oo haddii uu doono masuul ah oo haddana jahawareersan misena wax aannu fahamsaneyn ka hadlaya oo dhiiran saw iyaba mushkilo ma aha! Waar dadka inta wax qorta ayaaba ugu daran e, ha loo gurmado.
Qalinkii: Mohamed Hagi Mohamoud
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|