Daawo: Tariikhdii Nololeedkii Fanaanadii Shamis Guduudo Carwo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Tariikhdii Nololeedkii Fanaanadii Shamis Guduudo Carwo
December 7, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Shamis Abuukar Guduudo Carwo waxay ku dhalatay deegaan xeebeedka Conqor oo dhanka bari kaga beegan Magaalada Berbera sanadkii 1935, Waxanay kusoo kortay Magaalada Berbera sanadihii hore nolosheeda waxaanay Fanka ku soo biirtay taariikhdu markey aheyd 1952kii oo markii ugu horeysay codkeeda laga maqlay Radio Hargeysa.

Xilligii ay Guduudo Carwo billowday in ay heesto, dumarka kumaysan dhiiran jirin fanka iyo ka hadalka idaacadaha.

Doorka Dumarka ee Ruwaayadihii xilligaa iyo Heesaha waxaa matali jiray rag, ka hor inta aysan Shamis Abokar billaabin heesaha, maadaama dumarka aan lagu aqoon heesaha, taasi waxay sababtay in sannadihii ugu horeeyay la qariyo magaceedii, waxaana loo bixiyay Guduudo Carwo.

Guduudo Carwo ayaa ahayd gabadhii ugu horeysay ee af soomaali ku heesta qiyaastii 1950-aadkii, wakhtigaasi oo soomaalidda dhexdeedda fanku ceeb ku ahaa, waxaanay noqotay hooyadda hablaha fanaaniinta ah.

 

Inkastoo muddo dheer iskaga hadhay Fanka,isla markaana xanuun u jiiftay labaatankii sannadood ee la soo dhaafay, waxaanay joojisay guud ahaan fanka, iyadoo aad u necbaatay heesaheeda in la dhagaysto iyo in xaga fanka laga waraysto, waxaanay mar walba odhan jiray waxay ahayd casri jaahilidii,isla markaana ku dooday in haddii ay sida hadda diinta u baratay u taqaano aanay fanka gasheen.

Guduudo Carwo waxaa ay dad badan oo Soomaali ah ku xusuustaan heesihii ay qaadi jirtay iyo kaalintii ay ku laheyd in fanka Soomaalidu dhinaca dumarka ka dhismo, waxa lagu xasuusta heeso iyada loo qaaday oo la odhan jiray Guduudo Carwooy gu’gii la arkaba yaa gashaati ka dhiga, waxa kale oo iyana jirta maahmaah magacyadeeda lagu soo dari jiray, waxaanay ahayd shakhsi xaga fanka looga dambeeyo.

Shamis Abokor Ismaaciil “Gudoodo Carwo” waxaa ay dhimatay iyadoo 82 jir ah, waxaanay mudooyinkii u dambeeyey ku nooleed magaalada Hargeysa.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EAMIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS