|
|||||
WAJAALE NEWS
Daawo: Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Ugaaska Guud Ee Beel-weynta Ciise Iyo Xubno Kamid Ah Gendaha Beeshaas
December 18, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta kulan gaar ah la qaatay ugaaska guud ee Beelweynta Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim iyo xubno kamid ah gole-dhaqameedka Gendaha loo yaqaanno ee ay beeshaasi caanka ku tahay. Kulankan oo ka dhacay xarunta aqalka madaxtooyada Somaliland ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, iyada oo dhinaca kalena Ugaaska guud ee beel-weynta Ciise ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim ay dhinaciisa wehelinayeen xubno kooban oo kamid ah golaha dhaqanka beesha Ciise ee Gendaha loo yaqaanno. Halkan hooe ka daawo muuqaalka warka https://youtu.be/Vf_LqKjJvao Related posts:DAAWO;-Wasiirka Waxbarashada Jsl Oo Xisbiyada Mucaaridka Ku Dhiilay Qaabka Ay Uga Hadleen Gabadh Yar... DAAWO;-Xukuumada Somaliland Oo Jawaab Ka Bixisay Eedo Uga Yimid Jabuuti, Sheegtayna In Ay Gacanta Ku... “Waxaanu ka Digaynaa In La Celiyo Shidaalkaas, Iyada Oo Loo Danaynayo, Shirkado Ay Madaxtooyadu Leed... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|